U bood dhigaalka

DF iyo Ganacsatada Oo Lacag Ugu Yahoobahay Khasaarihii Ka Dhashay Dab Ka Kacay Suuqa Waaheen

Sheeko:Amniga

Ra’iilsulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay ganacsatada Soomaaliyed, kaas oo looga hadlay sidii loogu gurman ganacsatadii hantidooda ku  dhibaatadii soo gaartay suuqa weyn ee Hargaysa ee Waaheen oo ku baaba’ay dab xoogan oo ka kacay.

Ganacsada ayaa ballan qaaday  in ay bixinayaan lacag gaarayso $2,000,000, sida uu goobta shirka ku xusay mid kamid ah ganacsatada oo yiri”  Ganacsatada Soomaaliyeed oo maanta halkaan isugu timid, oo Ra’iisulwasaaruhu isugu yeeray, annaga oo soo tashanay, waxaan rabnaa inaan ku tabarucno, $2,000,000 oo aan ku taageerayno, walaalaheeenna dhibku soo gaaray, ayada iyo midda dowladdu ku tabarucdo halmar ayaan isla gaynaynaa”

Marka laga soo tago yabooha ganacsatada 2 milyan  xukuumadda ayaa waxaa ay dhankeeda sheegtay in ay gurmadka uga qeyb qaadanayso $1,000,000, kuwaas oo wax looga qabanayo u gurmashada ganacsatadii ku hantida beeshay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa, kaas oo gaystay saamayn aad u ballaaran oo soo gaaray.

“Waxaan rabaa inaan halkaan si gaar ah ugu sheego shacabka Somaliland, dadkii masiibadu ay kusoo gaartay  Hargaysa, oo mar kasta noosoo gurman jiray, dhibaatooyin markii ay naqabsadaan waa ay nagarab istaagi jireen, dowalad ahaan waxaan go’aansanay inaan ku tabarucno lacag gaaraysa $1,000,000 ayuu yiri Ra’iisulwaasaaraha.

Goobjoog News