U bood dhigaalka

Xukuumadda Hindiya Oo Ogolaatay In Maxaabiista Soomaalida Lasoo Qaado, Xabsigana Ku Dhameystaan Gudaha Dalkooda

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirrada ee dalka Hindiya ayaa maanta oo arbaca ah waxaa ay ogolaadeen  in Maxabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalka Hindiya lagu wareejiyo Soomaaliya si ay gudaha Soomaaliya xabsigooda inta ka dhiman ugu qaataan.

War Saxaafadeed soo baxay ayaa lagu sheegay in heshiis  labada dal uu dhigayo maxaabiita Soomaaliya iyo kuwa Hindiyaba ay dalkooda xabsiga ku dhameystaan si ay u ag joogaan qoyskooda, una helaan iyo daryeel iyo dhaqan celin.

Maxaabiista  Soomaaliya LA keeni doono waa 118 qof oo muddo 6 sano ah halkaas Ku xirnaa.

Heshiiska noocan ah waxaa uu sidoo kale Hindiya kala dhaxeeyaa dalalka: United Kingdom, Mauritius, Bulgaria, France, Egypt, Sri Lanka, Cambodia, South Korea, Saudi Arabia, Iran, Bangladesh, Brazil, Israel, Bosnia & Herzegovina, UAE, Italy, Turkey, Maldives, Thailand, Russian Federation, Kuwait, Vietnam, Australia, Hong Kong, Qatar, Mongolia, Kazakhstan, Bahrain  iyo Estonia.

2004-tii, wixii ka horeeyay Hindiya kama jirin xeer qeexaya in Maxaabiis dal kale laga qaadi karo India ama in qaar dalkaasi u dhashay dib loo soo celin karo si dalkooda ay xabsiga ugu dhameystaan.

Wargeysyada India waxaa ay  qoreen in maxaabiistaas oo ka koobnaa 120 ay  labo u dhinteen Qaaxo.

India waxaa ay  Ku faaneysaa in maxaabiistaas ay  Soomaaliya Ku soo laaban doonaan iyaga oo yaqaano Ingiriiska, Hindiya isla markaana dalban doona in loo kariyo cuntada Hindiya.

Maxaabiis badan oo Soomaali ah, kuna jiraan burcad badeed ayaa ku xiran dalka Hindiya, laba oga sida uu hadalkan golaha wasiirrada u dhaqan geli doono iyo goortaba, laakin waxaa hubaal ah haddii ay sidaa dhacdo in  intaasi ay noqon doonto guul diblomaasiyadeed.

Goobjoog News