U bood dhigaalka

Xukuumadda iyo Mucaaradka Oo Sheegay In Dib Loo Furi Doono Wadahadaladii u Dhaxeeyay Labada Dhinac

Sheeko:Amniga

Xubna ka tirsan midawga Musharixiinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loo bilaabo wada hadaladii fashilmay ee u dhaxeeyay Midawga Musharixiinta iyo Xukuumadda xilgaarsiinta .

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah midawga musharixiinta ayaa shegay in si xal loo gaaro loo bahan yahay in ay sii socdan Wadahadalada.

Qoraal uu soo dhigay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayuu ku sheegay in la rabo in arrinta ay miiska wada hadalka ku dhamaato.

“Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisalwasaare

Mohamed Hussein Roble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro.”
Dhanka kale Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa sheegay in mar dhaw la qaban doono shir ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada dalka Si loo dhameeystiro Heshiiskii 17-September.
Moalimuu ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda ay waddo qorshe dib loogu furayo wadahadaladii Fashilmay .
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri ” Waxaan rajeyneynaa in mar dhow shir madaxeedka soo socda ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad gobaleedyada uu ka furmo Muqdisho si  loo dhameystiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020.
“Maxamed Hussien Roble wuxuu doonayaa inuu dib u bilaabo wadahadalkii uu la lahaa Musharixiinta Madaxweynaha guud ahaan iyo shaqsi ahaanba, si loo gaaro heshiis isla markaana loo galo doorashooyinka dhowaan.”
Hadalka labada dhinac ayaa ku soo aadaya xilli 48-saac ee la soo dhaafay xaaladda siyaasadeed ee dalka aysan laheyn Jiho loo raaco.