U bood dhigaalka

Xukuumadda Oo Amar Ku Bixisay Soo Celinta Ciidamo La Geeyay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya, kaas oo uu shir gudoominyay ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee dalka.

Shirka ayaa looga dooda ciidamo dhawaan la geeyay magaalada Baladweyne waxaan xukuumadda ay isku raacday in sifo aan sharci aheyn ciidamadaas lagu geeyay magaalada.

Golaha wasiirada ayaa amray in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu soo celiyo ciidamada Baladweyne la geeyay, iyadoo la faray dhamaan saraakiisha iyo hay’adaha ku shaqada leh in ciidamada laga saaro ku dhex milanka siyaasadaha cakiran.

“Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga Dalka”, ayaa lagu yiri wad ka soo baxay xafiiska Rooble.

Dhanka kale Rooble ayaa magacaabay guddiga ka shaqeeyo dejinta xaaladda kacsan ee magaalada Baladweyne.

“Ra’iisul Wasaarare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala Shaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha dalka.

Goobjoog News