U bood dhigaalka

Xukuumadda Oo Guddi U Magacawday Dhacdadii Garoonka Diyaaradaha Ka Dhacday

Sheeko:Amniga

Wasiirka Amniga Xukuumadda Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa guddi u magacabay shaqaaqadii maalmo ka hor ka dhacday garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aden Adde .

Xundubeey ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo Amarkii Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu magacabay Guddi baaris ku sameeya dhacdadii 22-kii bishan ka dhacday garoonka diyaaradaha .

Guddigan oo ka koobaan Shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan .

Sikasaba Khamiisti la soo dhaafay ayey aheyd markii ciidamada ka tirsan kuwa nabad sugidda NISA iyo shaqaalaha immigration ay isku gacan qaadeen guddaha garoonka halkaas oo ay ku bur burtay hanti dadweyne .

GoobJoog