U bood dhigaalka

Xukuumadda oo Isku Raacdey Beeqaaminta Miisaaniyadda

Sheeko:Dalka

FargeetiShir ay yeesheen golaha wasiiradda ayaa la’isku raacay in la beeqaamiyo miisaaniyadda 2015-ka kadib markii la waayay dakhligii laga filayay banaanka, kaasi oo horey loogu talogalay markii la dajinayay miisaaniyadda.

Maxamed Aadan Fargeeto, wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ayaa golaha wasiirada u sheegey in miisaaniyadda lagu xisaabtamay %50 dakhliga kasoo xarooda gudaha dalka, halka inta kale lagu xisaabtamay kaalmada dibada, taasi oo aanan wali la helin.

Waxa kale oo uu wasiirka soo jeediyey in shirkadaha laga qaado canshuurtii ku uruurtey muddo bilooyin ah, si buu yiri dowladda ay u fidiso adeegyada asaasiga u ah shacabka.

Goobjoog News