U bood dhigaalka

Xukuumadda Oo Shaacisay Waqtiga Magaalada Muqdisho Lagu Qabanayo Shirka Madaxda Wadamada IGAD

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga magaalada Muqdisho lagu qabanayo shirka madaxda wadamada IGAD.

Wasiirka arrimaha dibadda C/salaan Hadliye Cumar oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in shirkaan la qaban doono 10-ka bishan September.

Wuxuu tilmaamay in shirkaan ay kasoo qeybgali doonaan madaxweynayaasha dalalka Uganda, Sudan, South Sudan, Jabuuti iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

“10-ka bishan waxaa magaalada Muqdisho lagu qabanaya shirka madaxda wadamada IGAD, waxaa imaan doona madax badan, waxaan ku faraxsannahay madaxda IGAD iney leeyihiin waan garab taagannahay Soomaaliya, ma ahan un in la eego qarax dhacay ee waa in la eegaa halka Soomaaliya ay marayso iyo halka ay ka timid, mugdi iyo Iftiin bay kala tahay” ayuu yiri wasiir Hadliye.

Shirkaan ayaa noqon doona midkii ugu horreeyay ee dalka lagu qabto tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe 1991.

Goobjoog News