U bood dhigaalka

Xukuumadda Oo Taageertay Go’aankii Culimada Soomaaliyeed Ee Looga Horjeeday Weerarkii Magaalada Madina Al-munawara

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan gaar ah, waxaana kulanka shir gudoominayay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxana ay Goluhu si adag ugu canbaareeyeen ficilkii argagixisada ahaa ee kooxaha diinlaawayaasha ahi ay ku qaadeen Masjidka Nabawiga ee Magaalada barkaysan ee Madiina.

Goluhu Xukuumaddu waxay tacsi u direen guud ahaan Caalamka Islaamka, gaar ahaan dawladda Boqortooyada Sucuudiga, iyagoo uga tacsiyeeyay ficilkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday goobaha barakaysan ee Islaamka.

Xukuumada Federaalka Soomaliya waxay taageereen baaqii shalay ay soo saareen Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ay kaga soo hor jeesteen falkaa waxashinimada ahaa ee lagu beegsadey Masjidka barakaysan ee Nabawiga .

—DHAMAAD—