U bood dhigaalka

Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Adeega Korontada oo Heeshiis Gaaray

Sheeko:Amniga

Xukuumadda Soomaaliland iyo shirkadaha bixiya adeegyada Korontada ayaa waxaa ay gaareen heshiis, kadib markii shacabku ay cabasho ka muujiyeen Korontada iyo sidoo kale qiimaha oo sareeyay, shirkadaha ka ganacsada Korontada iyo wasaataradda Tamarta oo maalmahaan lahaa ayaa waxaa ugu dambeeyn lagu gooyay in qiimaha la iibiyo Waadkii $0.73

Shirkadaha laydhka, ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen 23, 6, 2022 ku sheegay in ay adeega korontada goyn doonaan 11:00PM ilaa 4:00AM habeenkasta marka la gaadho 1 bisha Ogosto, kadib markii ay xukuumadu hor istaagtay go’aan ay ku doonayeen in ay halka unit ee korontada ku iibiyaan $0.84, kaas aad uga sareeya qiimaha lagu wada heshiiyay dhinacyada.

Heshiiskan ayaa meesha ka saaraya in la gooyo laydhka saacadaha qaar habeenkii, isla markaana shirkadaha korontada iyo xukuumada, ayaa iskugu yimid qiimo dhexdhexaad ah, iyadoo qolo waliba tanaasul samaysay,Heshiiskan ayaa meesha ka saaraya in la gooyo laydhka saacadaha qaar habeenkii, isla markaana shirkadaha iyo xukuumada meel isugu yimaadeen .

Goobjoog News