U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo 45 maalin u qabatay in ay isku dhiibaan Al-shabaab

Sheeko:Dalka
Khaliif Axmed Erag
Khaliif Axmed Erag

Kulan aan caadi ahayn oo xalay golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho ayaa lagu sheegay in ciddii isa soo dhiibto ka hor inta uusan dhamaanin muddada 45-ka maalmood ee xukuumaddu siisay dagaalyahanada Al-shabaab la cafin doono. Waxay sidoo kale sheegeen in la sii wadi doono howlgallada ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab.

Kulanka ka dib ayaa waxaa warbaahinta waxii ka soo baxay u aqriyay wasiirka amniga qaranka Soomaaliya Khaliif Axmed Erag,waxaana kulanka golaha wasiirada Soomaaliya ay Al-shabaab ugu baaqeen in 45 cisho gudahood ay isku soo dhiibaan isla markaana cafis loo fidin doono cidii isku soo dhiibta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khaliif Axmed  Erag wasiirka amniga  qaranka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in cidii cafiska dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday  ka faa’ideysan weysa loo aqoonsan doono dambiile dagaal islamarkaana gacan bir ah lagu qaban doono sida hadalka uu u dhigay.

Go’aanka golaha wasiirada Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli ciidammada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ay wadaan howl gallo ay magaalooyin muhiim ah kala wareegeen xarakada Al-Shabaab.