U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo ammaantay kaalinta Turkiga ee Soomaaliya

Sheeko:War
safiirka-Turkiga-ee-Somalia
Danjirihii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya Kamalu-Diin Kanu

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku ammaantay dalka Turkiga kaalintii uu ka cayaaray dib u dhiska dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Hadalkan waxaa Maanta oo Arbaca ah Saxaafadda siiyay wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo sii sagootinayay danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa uu sheegay safiir Kamalu-Diin Kanu uu kaalin ka qaatay xiriir wanaajinta labada dal ee Soomaaliya Iyo Turkiga.

Bayle waxa uu sidoo kale sheegay in dalka ay ku soo dhowayn doonaan danjiraha cusub ee Turkiga, kaas oo bedeli doona Kanu.

Dowladda Turkiga ayaa bishii hore u soo magacawday Soomaaliya danjire badali doona safiir Kamalu-Diin Kanu oo xilka danjiranimo hayay muddo saddex sano ah.

Turkiga ayaa door muuqda ka qaatay gargaar u fidinta Soomaalida xilliyadii dalku uu galay abaaraha iyo macluusha ee 2011-kii, waqtigaas oo uu dalka soo gaaray markii ugu horeysay ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Dayib Ordogan.

[huge_it_slider id=”34″]