U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo baaq u dirtay dhalinyarada gobolka Banaadir

Sheeko:War

Khadiijo-Max’ed-Diiriy

Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhalinyarada gobolka Banaadir ugu yeertay inay ka qeyb qaataan ka hortagga tacadiyada loo geysto haweenka.

Wasiirka wasaaradaasi Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa hadal ay maanta jeedisay ku sheegtay in dhalinyarada gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay ogaadaan muhiimadda ay leedahay ka hortagga tacadiyada haweenka loogu geysto Soomaaliya, iyadoo sheegtay in wasaaradeeda ay goor kasta diyaar u tahay sidii kor ay ugu qaadi lahayd xirfadda dhalinyarada gobolkan Banaadir.

“Waxaan diyaar u nahay sidii dhalinyarada ay uga qeyb qaadan lahaayeen ka hortagista tacadiyada lagula kaco dumarka, waxaan halkan ka cadeynayaa in uu wax weyn tari doono tababarkan” ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyay ay Muqdisho ku soo bateen dilal loo geysanayo qaar ka tirsan haweenka Muqdisho.

Wararka Goobjoog news