U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo dhex-dhexaadinaysa beelihii ku dagaalamay Deefow

Sheeko:War

Wafdigii dhex-dhexaadinta ahaa ee Dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu wadaa inay la kulmaan odayaal ka soo jeeda Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay deegaanka Deefoow ee Gobolkaasi.

Wafdigan oo isugu jira wasiirro, Xildhibaano ka soojeeda Gobolka Hiiraan iyo Siyaasiyiin ayaa Shalay gelinkii dambe Bilaabay kulamo ay la qaadanayeen dhinacyo kala duwan oo ay kala xaajoonayeen sidii Xabad joojin loo kala dhex dhigi lahaa Maleeshiyo Beeleedka isku haya deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan.

Maanta oo ah Maalintii labaad oo wafdigu y ku sugan yihiin Magaalada Beled weyne ayaa la filayaa in ay halkaasi kula kulmaan wufuud Odayaal ah oo ka soo jeeda Qabaa’ilkii dagaalku uu dhex maray.Wafdiga waxaa hor kacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Bangax.

Dagaalkii u dambeeyay ee labada maleeshiyo ku dhex maray deegaanka Deefow ayaa sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 10 ruux iyo dhaawacyo fara badan.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh ayaa u magacaabay wafdigan si ay u damiyaan colaada soo laablaabatay ee u dhaxeysa labada dhinac.