U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo furtay shir waynaha wada tashiga nidaamka garsoorka dalka

Sheeko:Dalka

shirka garsoorka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir waynaha dib u eegista nidaamka garsoorka dalka.

Waxaa shirkan goob joog ka ah wasiirka garsoorka iyo dastuurka xukuumadda Faarax Cabdulqaadir, guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka Maryan Cariif Qaasim, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir, wakiillo ka socda maamul-goboleedyada dalka, ururrada bulshada rayidka ah iyo qaar ka tirsan culimada dalka.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka hadalay shirka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in dib u habeyn lagu sameeyo cadaaladda, isagoo xusay in shirka looga baahan yahay in uu noqdo mid miro dhal ah.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka Maryan Cariif Qaasim ayaa tilmaantay in cadaalada loo baahanyahay in ay ka soo bilaabato madaxda dalka ilaa bulshada.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa soo jeediyay in garsoorka laga saaro siyaasada iyo danaha gaarka ah isaga oo xusay in hadii aan laga saarin ay wax badan qaldami doonaan.

Wasiirka garsoorka iyo dastuurka xukuumadda Federaalka Faarax Cabdul Qaadir  ayaa sheegay in laga gudbay xilligii lagu takri fali jiray awoodaha dowladeed iyo tan shaqsiyadeedba, waxa uuna tilmaamay in dhowaan la dhisi doono guddi la dagaalama musuqa.

Shirka wada tashiga nidaamka garsoorka ayaa socon doona muddo shan cisho ah.