U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo gargaar deg deg ah gaarsiineysa goobaha lala wareegay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre

Wasaaradda arimaha gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gar gaar deg deg ah la gaarsiin doono dhammaan degmooyinka ay dowladda kala wareegto xarakada Al-shabaab.

Wasiirka wasaaradaasi Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in deegaanada soo gala gacanta dowladda ay gurmadka horay ka geynayaan waxaana sidoo kale uu sheegay in gurmad la geyn doono meelaha abaaruhu ka jiraan.

Waxa uu xusay in xukuumadda Soomaaliya ay qorsheysay in raashin deg deg ah la gaarsiiyo dhulka ay sida ba’an u saameysay abaarta isaga oo tilmaamay in 194 baabuur loo diri doono qaar ka tirsan gobolada koofureed.

Ugu dambeyntii Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in raashin gaaraya 105,000 oo loor ay u diyaariyeen sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka tabaaleysan.

Hoos ka dhageyso codka Cabdullaahi Goodax Barre: