U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay iibsashada dhulka dowladda

Sheeko:War
Qaasim Axmed Rooble
Qaasim Axmed Rooble

Hogaanka hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay iibsashada xarumaha ciidamada boolisku ay ku leeyihiin degmooyinka iyo gobolada dalka Soomaaliya.

Afhayeenka hay’adaha ammaanka ee dowladda Qaasim Axmed Rooble oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo bateen dadka iibsanaya dhismayaasha dowladda ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Afhayeenka   ayaa  digniin adag u diray dad Soomaaliyeed  oo uu sheegay afhayeenku in ay  iibsanayaan   xerada wiil waal  ee  ciidamada booliska   ay ku leeyihiin magaalada   Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan  bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka booliska   Qaasim Axmed Rooble ayaa hoosta  ka xariiqay  in dadka  gadanaya dhulkaasi iyo kuwa laga iibinaya  in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi  doono waxa uuna intaasi ku daray in arrintani ay   kala hadleen maamulka gobolka hiiraan.

Afhayeenka ayaa ka digay arimaha ku aadan iibsashada dhulalka iyo dhismayaasha dowladda, waxaana uu ku baaqay in ay dadku ka fiirsadaan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa kol hore burburin ku sameeyay hotel ku yaallay isgoyska Bakaaraha, kaas oo uu sheegay in uu ahaa dhul ay leedahay dowladda.