U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Hannaanka Doorashooyinka Iyo Amniga Dalka

Sheeko:Amniga

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan howllaha doorashooyinka, isagoo tilaamay in Xukuumaddu ay ku taagan tahay fulinta qodobada heshiiskii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo Muqdisho, isla markaana ay wax walba oo la xiriira doorashooyinku ku qabsoomi doonaan xiligii lagu heshiiyey, waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd doorashadu.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dagaallamaya deegaannada hoostada Galmudug iyo Hirshabelle in colaadda ay ku joojiyaan shuruud la’aan, isagoo tilmaamay in odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka deegaanadaas looga baahan yahay kaalintooda ku aaddan sidii colaada loo joojin lahaa.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa faray Ciidanka amniga in ay xoojiyaan nabadgelyada xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka, waxuuna xusay in amnigu uu yahay danguud oo muwaadin walba taabanaysa, loogana baahan yahay bulshadu in ciidanka ay gacan ku siiyaan sugidda amniga.

Goobjoog News