U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday qorshe lagula dagaalamayo musuqa

Sheeko:Dalka
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta ku dhawaaqay barnaamijka Wacyi gelinta la dagaalanka musuqmaasuqa Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu horreyntii yiri “Musuqmaasuqa waa noocyo badan yahay waxaana ka mid ah laaluush , dhaqaalaha dalka oo la lunsado, shaqada oo la siiyo saaxiibada iyo qaraabada, sharciga oo la is hor taago iyo kuwa fara badan oo afartan ay ka mid yihiin. Musuqmaasuqa waa waxa dalka dib u dhigaaya waana inaan si deg-deg ah u joojinaa. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in la dhameystiro sharciyada loo baahan yahay iyo inaan sameyno wax kasta oo looga hor tagayo. Hase yeeshee, musuqmaasuqa waxaa si dhab ah u joojin kara shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay in uu isagu hogaamin doono wacyi gelinta la dagaalanka Musuqmaasuqa, oo uu ku sheegay in ay tahay arrin uu si shaqsi ah u daneynayo in waddanka laga joojiyo. Wacyi gelinta waxaa ka mid noqon doona barnaamijyo taxane ah oo laga sii deyn doono Talefishinada, Raadiyeyaasha, internetka, bogoga war gudbinta (social media) iyo wargeysyada, waxaana barnaamijyadaas ka mid noqon doona macluumaad la siinayo dadka oo ku aadan waxa ay sameynayaan marka ay la kulmaan falal musuqmaasuq ah, sidoo kale waxaa la sii deyn doonaa doodo, wada hadal, barnaamijyo gaar ah, barnaamijyo dadka laga qeyb galinayo dooda oo ay soo waci karaan, kulamo guud, iyo barnaamijyo kale oo kuligood looga dan leeyahay in shacabka laga wacyi geliyo khatarta musuqmaasuqa iyo in shacabka ay ka qeyb qaataan joojinta musuqmaasuqa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiri doonaan barnaamijyo waxbarasho oo dadka iyo ardeyda lagu barayo khatarta musuqmaasuqa iyo sida uu uga soo hor jeedo maamul wanaaga iyo horumarka dalka.

Wasiirka ayaa yiri “Waa inaan hubinnaa in carruurteena oo ah mustaqbalka berri iyo shacabka hadda joogaba in ay si fiican u ogyihiin waxa uu yahay cudurka musuqmaasuqa iyo dhibaatooyinka uu bulshada u horseedo si ay noogu sahlanaato inaan u cirib tirno, oo shacabka ay si fiican u ogaadaan waxa uu sharciga ka qabo, sida loo soo sheego falalka musuqmaasuqa ah iyo danbiyada ay muteysan karaan dadka ku kaca falal musuqmaasuq ah.”

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegey in dowladdu ay sameysay horumar ballaaran oo horumarisay maamul wanaaga iyo isla xisaabtanka dowladda dhexdeeda oo ay ka mid yihiin maamulka & maareynta maaliyadda oo ay jiraan xisaabiye guud iyo hanti dhowr guud oo ay weliba u sii dheer tahay guddiga maamul wanaaga maaliyadda oo dhammaantood hubiya in dakhilga dowladda ay u baxaan sidii loo qorsheeyey.

Waxaa kaloo jira xeer ilaaliyaha guud ee dalka oo isna il gaar ah ku eegaya falalka musuqmaasuqa ee dhammaan gobolada dalka oo dhan si sharciga loola tiigsado cid walba oo lagu helo falalka musuqmaasuqa.