Xukuumadda Soomaaliya Oo Magacawday Wakiilka Gaarka Ah Ee Xaquuqda Caruurta Iyo Tahriibayaasha

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa magacaabay ergayga gaarka ah ee xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha Soomaaliyeed.

Afhayeenka xukuumadda Cabdisalaan Axmed Caato oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in xilkaasi loo magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, taas oo ku timid markii uu Ra’iisul wasaaraha tixgeliyay baahida loo qabo Arrimahaan.

“Ra’iisul wasaaraha markii uu tixgeliyay baahida loo qabo xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha, waxaa lama huraan noqotay in uu magacaabo wakiillkaan gaarka ah oo arimahaan qaabilsanaan doonto, walibana heer caalami uga shaqeyn doonto, wax badanna ka qaban doonto xaaladda ay ku jiraan, si dhalinyaradeenna dhibaateysan ee wadanka u baahan ay si nabad ah ku joogaan, lana ogaado xaaladooda” afhayeenka ayaa sidaasi yiri.

Waxaa jirta dhalinyaro badan oo dalka uga baxa tahriib ahaan, hase ahaatee waxa ay la kulmaan badi dhibaatooyin u badan jirdillo, iyo in la dhaco hantidooda, waxaana usii dheer qataraha ay badda kala kulmi karaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW