U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay ka hor tageyso cudurka Ebola

Sheeko:Caafimaadka
Bukaan qaba cudurka Ebola, Libera
Bukaan qaba cudurka Ebola, Libera

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku tala jirto qaadista tallaabooyin lagaga hor tagayo in dalka uu soo gaaro cudurka Ebola xilli dowladda Kenya oo deris la ah Soomaaliya ay hakisay duulimaadyada uga yimada dalalka cudurkan uu ka jiro.

Agaasimaha ololaha ka hor taga cudurada faafa ee wasaaraddan Dr Yaasiin ayaa sheegay in dalal badan oo Afrika ay bilaabeen hakinta duulimaadyada ka imaanaya dalalka galbeedka Afrika oo fara kulul ku haya cudurka Ebola.

Waxa uu xusay in cudurada noocaan ah ay ku faafaan xuduudaha, Afrikana ay tahay meel isku furan taasna ay keentay walwalka dalalka qaar ay ka qabaan in uu soo gaaro cudurkan.

Dowladda Kenya ayuu sheegay agaasimuhu in ay qaaday tallaabooyin ay kaga hor tagayso in dalkeeda uu soo gaaro cudurka Ebola.

Agaasinka waxaa uu afka ku dhuftay in dalka Kenya   ay ku nool yihiin Soomaali aad u fara badan, wasaaraduna ay qaadi doonto maalmaha fooda nagu haya sidii looga hor tagi laha in Ebola uu soo gaaro dalka. Cudurka Ebola ayaa welwel iyo baqdin badan ku dhaliyay dunida kadib markii hay’adda caalamka u qaabilsan caafimaadka WHO ay sheegtay in uu si fudud uu isaga gudbi karo qaaradaha.

Cudur sidaha Ebola ayaa si ba’an ugu fiday dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea, kuwaas oo noqday dalalka imika lagu baaqay badankood in la hakiyo duulimaadyadii ka iman jiray iyo kuwii tagi jaray.

Soomaaliya ayaan lahayn hay’ad u qaabilsan ilaalinta iyo ka hor tagista cudurada la isaga gudbiyo xuduudaha iyo goobaha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha iyo dekedaha.