U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay sameyneyso maamullo shacabku ay ku qanacsanyihiin (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasaarada arimaha gudadah iyo Federaalka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa   sheegtay in bilaha soo aadan ay ku guulaysan doonaan in maamullo dadka ay ogolyihiin ay ka hir galiyaan qaar ka mid ah gobolada dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha xukuumadda Cabdiraxmaan Maxamed Saalax Bangax ayaa sheegay in gobolada ay ka socdaan shirarka lagu dhisayo maamuladaasi.

Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi in shirkan ay ka soo baxayaan guulo waa wayn oo saldhig u noqdo maamulada dowladda ay doonayso in ay ka hana qaadaan gobolada dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaar ka tirsan gobolada dalka u magacawday maamul goboleedyo sida  maamulka koofur galbeed ee ka kooban saddexda gobol iyo maamul lagu mideynayo Mudug iyo Galgaduud halka ay aqoonsatay maamulka kumeel gaarka Jubba.

Hoos ka dhageyso codka Cabdiraxmaan Maxamed Saalax Bangax: