U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhoweysay heshiiska ay gaareen dowladda dhexe iyo Puntland

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa soo dhoweeyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee maanta ay kala saxiixdeen dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, wuxuuna ku tilmaamay heshiiska in uu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladda Federaal ah.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay xubnaha guddiyadii ka socday dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ka miro dhalinta iyo ka gudbidda qodobadii labada ku kala aragti duwanaayeen, isagoona tilmaamay wada hadalkan qaatay saddexda maalmood in uu muhiim u yahay iskaashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee maanta gaareen dowladda dhexe iyo Puntland, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska, xukuumaddu waxay diyaar u tahay in ay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo ah mid bilow u ah horumar waara oo laga gaaro mad madowgii jiray” ayuu yiri ra’iisal wasaare Cabdiweli.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa door muuqda ka cayaartay heshiiskii ay maanta gaareen guddigii labada dhinac. Heshiiskan ayaa lagu soo af meeray mad madowgii ka dhex jiray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

—DHAMMAAD—-