U bood dhigaalka

Xukuumadda Waqtigeeda Dhamaaday oo Soo Bandhigtey Waxqabadkeedii (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

ridwaan xaaji maxamedXafladdii maanta ee xil wareejinta Ra’isulwasaarihii hore Cabdiwali Sheekh Axmed uu ku wareejinayay Ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid ayaa waxaa xukuumaddii waqtigeeda dhamaaday kusoo bandhigtey waxqabadkeedii intii ay xafiiska joogtey.

Sii hayaha wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Ducaale Aadan Maxamed oo ku hadlay magaca golaha wasiirada ayaa sharaxaad ka bixiyey wadar ahaan waxyaabaha ugu waaweyn ee u qabsoomey xukuumada Cabdiwali Sheekh Axmed.

Xagga Hiigsiga 2016-ka waxyaabaha u qabsoomay waxaa ka mid ah

  • Dhismaha maamul goboleedyada sida maamulka Jubbaland, kan Koonfur Galbeed iyo kuwa soo socda ee Gobolada Dhexe iyo Hiiraan oo iyagu hawshooda la bilaabay
  • Dhismaha gudiga madaxa banaan ee qabyo tirista dastuurka
  • Hagaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada

Dhanka amniga iyo xasilinta

  • Xukuumadda waxa ay la wareegtey gacan ku heynta 13 degmo , kuwaasi oo ka dhigan 80% dhulkii ku jirey gacanta Alshabaab markii ay xukuumadda xilka qabanaysay
  • Sameynta gudiga amniga ee golaha wasiirada
  • Dhaqangalinta qaraarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobey ee Tirsigiisu yahay 2124 kaasi oo ka hadlaya cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya
  • Uruurinta hubkii ku jirey gacanta shacabka, taasi oo waxbadan ka geysatay xasilinta nabadda caasimadda
  • Mideynta ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka
  • Magacaabista gudiga isku dhafka ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland

Xagga Garsoorka

  • Dhismaha garsoorka, iyada oo maxkamadaha la gaarsiin doono illaa degmooyinka
  • Diyaarinta xeerarka garsoorka la xiriira

Xagga maaliyadda

  • Meelmarinta hindise sharciyeedyada canshuuraha, iibka qaranka, iyo nidaamka guud ee maareynta maaliyadda
  • Sameynta sanduuq maalgalin
  • Magacaabista guddoomiyaha bangiga dhexe iyo sameynta gudiga dhexe ee bangiga ee bud-dhigayaasha ah

Xagga Arrimaha bulshada

  • Dib u hawlgalinta jaamacaddii ummadda
  • Dardargalinta qorshaha aadda dugsiyada ee xukuumaddii tan ka horeysey ay biloowdey
  • Dhismaha isbitaalka digfeer iyo kan xoogga dalka

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegey in xukuumadda ay diyaarisey wadar ahaan 23 hindise sharciyadeed, balse wuxuu carrabka ku dhuftey in faahfaahinta waxqabadka isaga oo qoran lasoo bandhigi doono marka wasaaradaha xilalka lagu kala wareegayo.

Dhageyso

Goobjoog News