U bood dhigaalka

Xulka Dhallinyarada Soomaaliya Oo Garaacay Dhigooda Sudan

Sheeko:Cayaaraha

xulka 15 Jirada dalkeena Soomaaliya ayaa guul muhiim ka gaaray dhigiisa Sudan kulan ciyaaareed ka tirsanaa tartanka xulalka da’yarta bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee sanadkan ka dhacaya magaalada Asmara .

Qeybta kowaad xulkeena ayaa helay labo gool waxaana u dhaliyay xidigaha kala ah Mahad Cabdiqaadir iyo Cabdullahi Cumar,iyagoo soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan si weyn usoo jiidatay taageerayaasha.


markii leysku soo laabtay wax iskama badalin natiijada kulanka,iyadoo waqtigii looga talagalay ciyaarta ay kusoo dhamaatay 2-0 oo ay guusha ku qaateen xidigaha 15 Jirada qaranka Soomaaliya.

“Allah ayaa mahad iska leh oo guushan inoo sahlay waxaan u mahad celinaynaa xidigaheen uu sameeyay tariikhdan,aan ku raaxaysano waqtigeen iyo guushan quruxda badan” ayuu Goobjoog Sports uga waramay tababare ku xigeenka xulka da’yarta 15 Jiarda Cabdiraxmaan Axmed Taree.

Si kastaba xulkeena waxaa u haray hal kulan is araga heerka Groupyada waxayna Sabtida soo aadan la balansanyihiin martigeliyaasha tartanka ee Eritrea.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle