U bood dhigaalka

Xuseen Macalin: Al-shabaab 4 Bil Ayey Sugeysay In La Kala Baxo, Qaraxyada Ay Bilaabeenna Waa Sii Socon Doonaan

Sheeko:Amniga

Todobaad gudahiisa ilaa saddex qarax ayaa ka dhacday caasimadda Muqdisho, in ka badan 15 ayaa ku dhimatay, waxaana sidoo kale jiray khasaare hanti, sidaas ay tahay dalku waxaa sii socda  khilaaf u dhaxeysa hey’adda fulinta gaar ahaa xafiiska madaxweynahii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble, oo ma jirto saansaan ay qaraxyada ku istaagi karaan.

Haddaba, Maxaa keenay qaraxyadan, sababta ay u tiro bateen iyo maxaa xal ah  ayey Goobjoog News hordhigtay madaxa machadka amniga ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud.

Xuseen Macalin oo horay usoo noqday lataliyaha amniga ee madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Xasan Sheekh waxaa uu qabaa in Al-shabaab aaney qaraxyo sameyn bilihii February ilaa July sababo la xiriira iyaga oo aan ogeyn meesha loo socdo, iyada oo ay badnaayeen aaggaga amniga.

“Bilaha February ilaa July qaraxyo ma sameyn Al-shabaab, oo waxaa ay sugayeen in la kala baxo, waxaa caasimadda joogay Badbaado qaran, ciidan ayaa meel walba daadsanaa, waxaa badnaa aaggaga amniga, hadda waxaa ay dareemeen in hey’adaha amniga dabceen, oo amniga furfurmay, in lasoo celinaya fududeen, marka waa ka faa’ideysteen”.

Dhanka kale, Maxaa xal ah mar aan weydiinyey waxaa uu ku jawaabay “Waa sii socon doonaan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, oo aan laga heshiin”.

Madaxa Hiraal Xuseen Macalin welwelka uu qabo waa in dib u dhac ku yimaado heshiis siyaasi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hey’adaha amnigana la siyaasadeeyo, taasi ay keento in qaraxyada sii socdaan, taasi oo saamey doonta doorashada iyo guud ahaan nolosha dadka.

Goobjoog News