U bood dhigaalka

Xuska Booliiska Soomaaliyeed, Tiirkii ugu Horeeyey ee Dowladnimada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

booliska soomaaliyeedMaanta waxaa loo dabaaldagay 71-guuradii kasoo wareegtey markii la asaasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed , kuwaasi oo taariikhda ku galay in ay yihiin astaantii ugu horeysey ee dowladnimo oo Soomaaliya yeelato, xitaa ka hor intii aanan xornimada la qaadanin.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa la asaasay 20-kii Diseembar 1943-dii, waxaa xiligaasi lagu magacaabi jirey Somali Police Corps, halka kuwa gobolada Waqooyi lagu magacaabi jirey Somaliland Police Scouts.

Sanadii 1960 kii markii uu dalka qaatay xornimada ayaa waxaa la’isku daray labadaasi unug , waxaana si rasmi ah loo dhisey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka koobnaa 3700 oo arkari.

Waxaa intaasi dheereyd oo dib laga abuurey ciidamada Daraawiishka oo ka koobnaa kun askari, kuwaasi oo loo xilsaaray kala dhexgalista beelaha ku dagaalama miyiga dalka ee iyagu isku qabta daaqa iyo waraabka.

1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira.

Isla sanadkaasi 1961-dii waxaa booliska Soomaaliyeed loo asaasay qeybta cirka oo iyagu sahayda u qaadayay saldhigyada meelaha fog fog ku yaala, waxayna isticmaalayeen oo la siiyey dayuuradaha yaryar ee loo yaqaano Jesna iyo tan lagu magacaabo Douglas DC-3.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxyaabaha ay u xilsaarnaayeen waxaa ka mid ah ama qeybaha ay ka koobnaayeen kuwa Roondada, nabadgalyadda waddooyinka, baarista dambiyada, xogdoonka, iyo waliba la dagaalanka falaagonimada.

Sanadii 1971-dii ayaa waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya.

Wixii ka dambeeyey sanadihii 1970-meeyadii waxaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed tabobar u fidin jirey dowladaha Jarmalka Galbeed, Talyaaniga iyo waliba Mareykanka.

Waxaa ciidamada Booliska loo qaadan jirey dadka ay da’doodu u dhaxeysa 17 jir illaa 25 jir, kuwaasi oo jirka iyo dhimirkaba ka caafimaad qaba, islamarkaasina leh anshax wanaagsan. Askariga waxa uu marayaa tababar 6 bilood ah ka hor inta uusan ku biirin ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay qasab ahayd in uu gurmad ahaan ku shaqeeyo muddo 2 sano ah, kadibna codsi hor leh uu dhiibto si uu ciidamada ugu biro rasmi ahaan.

Ciidamada waxa ay ka koobanyihiin qeybo badan oo kala ah Daraawiishta oo qaabilsan kala dhexgalista beelaha miyiga ku dagaalamay, qeybta Birmadka oo iyagu loo carbiyey ka hor tagista rabshadaha, qeybta gaadiidka booliska, qeybta dabdamiska iyo qeybta dambi baarista, qeybta canshuuraha, qeybta isgaarsiinta iyo qeybta tabobarada.

Markii hore taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxa uu si toos ah u hoos tagi jirey wasaaradda arrimaha gudaha, laakiin sanadihii 1976 dii ayaa ciidamada waxaa la hoos geeyey la taliyeyaha madaxweynaha ee dhanka amniga.

Dhanka gobolada iyo degmooyinka, taliska ciidamada booliska waxa ay si toos ah u hoos tagi jireen barasaabyada gobolada iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka ay ka hawlgalaan.

Wixii ka dambeeyey burburkii dowladnimo ee Soomaaliya 1991-dii, ciidamada booliska Soomaaliyeed waxa ay u burbureen si la mid ah qeybihii kale ee dowladda Soomaaliya ka koobneyd, balse horaantii qarniga 21-aad ayaa dib loo asaasay ciidanka.

Markii magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo doortey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa waxa uu Cabdiqaasim taliyaha booliiska Soomalaiyeed u magacaabay Jeneraal Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana dib loo asaasay ciidamadii booliska Soomaaliyeed oo markaasi 10 sano aanan hawlgalin.

20kii bishii Diseembar, 2005 waxaa iyana markii ugu horeysey dib loo furey dugsigii tabobarka booliska Soomaaliyeed ee degmada Carmo, ee gobolka Bari, tanina waxa ay ahayd talaabo kale oo loo qaadey dhanka dib usoo celinta ciidamada booliska Soomaaliyeed. Carmo waxa ay magaalada Boosaaso dhanka Koonfureed ka xigtaa 100km.

Taliyeyaashii soo maray ciidamada booliska Soomaaliyeed tan iyo intii dib loo asaasay ayaa waxaa ka mid ahaa

  1. Jeneraal Cabdi Cawaale Qeybdiid
  2. Jeneral Cali Maxamed Xassan (Cali Madoobe)
  3. Jeneraal Shariif Sheekhunaa Maye
  4. Jeneraal Cabdixakiim Daahir Siciid (Saacid)
  5. Jeneraal Maxamed Sheekh Ismaaciil
  6. Jeneraal Cusmaan Cumar Weheliye

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ah ciidan aad loo jecelyahay, iyada oo sanad guurada 71-aad laga xusey qeybo kala duwan oo dalka ka mid ah sida magaalooyinka Gaalkacayo iyo Baydhabo.

Inkasta oo wali ay jiraan caqabado ay ciidamada kala wadaagaan dalka intiisa kale, hadane waxaa jira talaabooyin horukac leh oo uu qaadey ciidanka, tusaale ahaan waxaa hadda shaqeeya oo dib loo furey saldhigyada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo saldhigyada magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyada oo ciidamo boolis ah la geynayo tuulooyinka iyo deegaanada dhawaan soo galay gacanta dowladda.

Waxaase wali ciidamada booliska ka dhiman xagga tabobarka, qalabeynta iyo waliba kordhinta tiradooda.

Goobjoog News