U bood dhigaalka

Xuska sanad guurada 60-aad ee calanka oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Sheeko:Dalka
xasan calanka
Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Jeneraal Indho Qarshe/Xuquuqda sawirka:radiomuqdisho

Munaasabad ballaaran oo lagu wayneynayay sanad guurada 60-aad ee calanka Soomaaliyeed ayaa xalay lagu qabtay xarunta ku-meegaarka ee maamulka gobolka Banaadir uu ku leeyahay degmada Heliwaa.

Waxaa xaflada ka qeyb galay madaxwaynaha dalka, guddoomiyaha baarlamaanka, duqa Muqdisho, wasiirka gaashaandhiga xukuumadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maalinta calanka Soomaaliya ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dalka laga xusi doono sanad walba iyada oo loo baahanyahay in calanka la siiyo qiimaha uu leeyahay.

Afhayeenka golaha shacabka ahna guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo sidoo kale ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in loo baahan yahay in taariikhda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u soo halgamay dalka lagu qoro buugaagta manaahijta waxbarashada ee dalka.

12-kii October 1954-kii ayay ahayd markii la hindisay calanka buluuga ee dalkeena isla markaana laga taagay gayiga Soomaaliyeed.