U bood dhigaalka

Xusuustii Abwaan Cabdi Muxumad Amiin Oo Todoba Sano Kahor Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta oo kale sanadkii 2008-dii ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya Allaha u naxariistee marxuum Abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo ka mid ahaa abwaanadii caanka ahaa ee soo maray hobolada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi oo ahayd hormuudkii fanka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa geeridiisu timid ka dib markii ay la soo derseen xanuuno iyadoo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday

Abwaan Cabdi Muxumad Amiin ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu waaweyn ee kaalinta weyn  ka soo qaatay horumarinta Fanka Soomaaliyeed kaas oo uu kusoo jiray ku dhawaad 50 sano, waxaana abwaanka lagu xusuustaa riwaayado iyo heeso badan oo lagu soo bandhigay masraxyada dalka, kuwaas oo aan marnaba duugoobeyn

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin ma ahayn oo keliya abwaan wax curiya ee wuxuu sidoo kale ahaa heesaa cod halaasiya leh dadkuna aad ugu riyaaqaan marka dhagahooda ay soo gaarto hees uu ku luuqeeyo Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.

Taariikh Nololeedkii Abwaan Cabdi Muxumed Amin

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin, waxaa uu ku dhashay Gabiley 1935-tii, Waxaa uu ahaa Sugaan yahan iyo Abwaan Soomaaliyeed

Wuxuu Cabdi Muxumed fanka ku biiray sanadkii 1953-dii, isagoo ku sugan magaalada Hargeisa.

Waxaa dalka Sweden lagu daabacay, buug loogu magacdaray Diiwaanka Hilin Hayaan, oo lagu uruuriyay murtidii, maansooyinkii iyo heesihii Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.

Waxaa buugan daabacay ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee dalka Sweden, waxaana uu ka kooban yahay buugan ilaa 296 bog.

Abwaanka Cabdi Muxumed Amiin ayaa ahaa Suugaanyahan aad ay u tixgeliso bulshada Soomaaliyeed oo caanka ka ahaa waddanka Somalia.

Heesaha uu qaaday waxaa ka mid ah:-

Haddii Dayaxii La Tagay”, Ma Doonayaan in aynu Dowlad ahaano”, Dadka Dhinica ka raac, ururka Caafimaadka, Muufow, Muufo Macaan.

Abwaanka waxaa uu leeyahay ilaa 120 hees, waxaa uu ahaa Wadani.

Goobjoog News