U bood dhigaalka

Yaa Dilay Guddoomiye Dhegajuun?

Sheeko:Amniga
Qoraal kasoo baxay gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiim Dhegajuun lagu dilay israsaaseyn ciidan oo ka dhacday inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde
Qoraalka waxaa ku jirtay sidan: Marxuumka ayaa Habeenkii xalay abaarihii 2dii iyo daqiiqado lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde, kadib markii ay rasaaseeyeen ciidan halkaasi ku sugnaa, waxaana dhacdadaasi ku dhaawacmay labo askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa, kuwaasi oo eebe loogu baryayo in uu caafimaad deg deg ah siiyo.
Dhanka kale, waxaa lagu sheegay in baaris la sameynayo, si loo helo cadaalad, laguna xisaabtamo cidda shaqada dayacday.
Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu si deg deg ah u Magacaabay Guddi isu-duwa kana shaqeeya Aaska iyo Tacsida Marxuumka.
1- Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga)
2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)
3- Muuse Cali Eybakar
4- Saalax Xasan Cumar
5- Yaasiin Cismaan Jimcaale
6- Seynab Maxamuud Xaabsey
7- Mustaf Cali Kheyre
Goobjoog News