U bood dhigaalka

Yaa Run Sheegaya Dowladda Federaalka Ah Iyo Dowlad Goboleedyada?!

Sheeko:Dalka

Wasaaradda maaliyadda qoraal ay 5-tii bishan u dirtay dowlad goboleedyada iyo Banaadir waxaa ay ku sheegtay in loo baahanyahay xisaabcelin la xiriirta isticmaalka u gudbiso dowlad goboleedyada gaar ahaan inta u dhaxeysay 01/01/2018-30/06/208, iyaga oo loo soo diri-doono wasaaradda maaliyadda, waxaa kale oo ay dowladd codsatay lacagaha ay dowladda ku bixisay maamul goboleedyada 2017-kii.

Dowlad Goboleedyada..Imisa Ayey Ka Heleen Miisaaniyadda?

2018: Qoonadada sanadkan waa sidan: Banaadir: $10.65 million; Puntland: $ 2.0 Million; Jubbaland : $ 1.08 Million; Southwest: $ 2.8 Million; Galmudug: $ 2.8 Million; HirShabelle: $ 2.8 Million

2017: Qoonadada sanadkan waa sidan: Banaadir: Puntland: $4.7 Milyan Jubbaland : $2.7 Milyan Southwest: $14 Milyan Galmudug: $1.4 Miylan iyo  HirShabelle: $750,000.

Xilli ay dowladda federaalka ah dalbaneyso xisaabcelinta dowlad goboleedyada ayaa waxaa ay jirto in war-murtiyeed ay bishii May ee sanadkan ka soo saareen kalankoodii ay Baydhabo ay ku sheegeen arrin aad u xiiso badan.

War-murtiyeedka waxaa ku jirtay “ Waxaa dhaqaale badan oo ku aadan kabidda miisaaniyadda  dalka oo dowladda dhexe ka hesho dalal iyo hey’ado kale oo deeq bixiyeyaal ah, mid marta xisaabta dhexe ee dowladda dhexe ma ha noqoto mid aan soo marin, waxaase dhacda in dhaqaalahaasi aysan waxba ka soo gaarin dowlad goboleedyada. Sidaasi darteed goluhu wuxuu ku dhiiri-gelinayaa dalalkaas iyo hey’adahaas inay sameeyaan qoondeyn ku saabsan labada heer dowladeed si loo xaqiinjiyo midnimada iyo isku heynta dalka”.

Haddaba, haddii ay dowlad goboleedyada leeyihiin shillin kama helno miisaaniyad kabadidda deeq-bixiyeyaasha halka ay dowladda leedahay waan idiin quudinnaa….Been run sheegaya?

Shirka ka socda Kismaayo oo maanta la soo gabagabeyn-doono waxaa lagu wadaa sidoo kale in golaha dowlad goboleedyada ay ka hadlaan Fulin la’aanta dowladda federaalka ah ee qodobka 53aad ee dastuurka iyo sida ay u arkaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe.

Waxaa kale oo ay ka hadli-doonaan Fulin la’aanta qorshaha amniga, in aaney caawin hub ama saanad ama xataa tababar ciidmada booliiska ee dowlad goboleedyada

Goobjoog News