U bood dhigaalka

Yaa Xukumaya Mareykanka Xilliga Madaxweyne Donald Trump?

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Trump ayaa galay xafiiskiisa Aqalka Cad ee dalka Mareykanka, waxa uu bilaabay howlmaalmeedkii caadiga ahaa ee madaxweynenimo,  isagoo ah kan ugu sarreeya koox cusub oo ka kooban saraakiil hore oo ciidan  iyo Ganacsato la wadaagi doonta xukunka Mareykanka.

Hadaba warbixintan ayaan ku eegaynaa magacyada ugu muhiimsan ee uu madaxweyne Trump ku dhawaaqay iney qabtaan xilalka sarsare ee maamulkiisa cusub.

-Madaxweyn ku xigeenka Mike Pence: waxa uu caan ku yahay inuu u ol’oleeyo masiixiyadda kuwooda mayalka adag oo uu ka tirsan yahay, waxa uu ahaa tiir ka mid ah tiirarkii madaxweyne Obama usuurtageliyay inuu ku fariisto kursiga Aqalka Cad.

-Lataliyaha Amniga Qaranka Michael Flynn: waxa uu aad ugu dhaw yahay dhanka Ruushka, waxa uu ka tirsan yahay qolooyinka masiixiyadda  xag jirka ah, waxaana aad loogu yaqaannaa naceybka dadka Muslimiinta ah. Hadalladii laga diiwaangeliyay waxaa ka mid ahaa inuu yiri; “Waa inaan soo ceshannaa awooddii ahayd inaan cadawga dhulka la jarno”, waxa uu ka mid ahaa maamulayaasha sirdoonka Mareykanka ee hoostaga wasaaradda difaaca Mareykanka.

-Lataliyaha Ammaanka Gudaha iyo La-dagaallanka argagixisada Thomas Bossert: madaxweynihii hore ee Obama waxa uu isku daray shaqaalaha Ammaanka gudaha iyo kuwa ammaanka Qaranka isla markii uu la wareegay Aqalka Cad, ammaanka gudaha Mareykan ayaa si gaar ah loo aasaasay sanadkii 2001 ammar ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Bush oo xilligaas Bossert waxa uu ka ahaa saraakiisha sarsare.

Kellyanne Conway: oo noqotay haweenaydii ugu horreysay ee iyadoo ol’ole doorasho hogaamineysa lagu guuleysto, waa hooyo leh 4 caruur ah oo aad u aqoon badan.

-Lataliyaha Sare ee Siyaasadda : Stephen Miller

Waxa uu lataliye guud ka ahaa ol’olaha doorasho ee Trump, tani waa jago cusub, waxa uuna madax u noqon doonaa shaqaalaha Aqalka Cad ee ka shaqeeya siyaasadda, waxa uu ahaa shakhsiga soo diyaariya khudbadihii madaxweyne Trump uu ka jeediyay caleemo saarkiisa shalay, waxa uu madax u ahaa kooxda diyaarinta khudbadaha ol’olihii doorasho ee Trump.

-Madaxa sare ee Istiraatiijiyadda: Steve Bannon

Waxa uu ka soo jeedaa qoys demuqraadi ah, laakiin dad badan waxay aaminsan yihiin inuu ka tirsan yahay kooxda mayalka adag ee aadka uga soo horjeedda dadka muhaajiriinta ah.

Guddiga Warbaahinta Aqalka Cad

Guddigan waxaa madax u ah Sean Spicer oo ah shakhsi aad looga yaqaanno xisbiga Jamhuuriga ah, waxa uu horey u soo noqday maamulaha xiriirka guddiga heer qaran ee xisbiga Jamhuuriga muddo 5 sano ah ayuuna xilkaa hayay.

Shaqadiisa ayaa ah inuu xoogga saaro xiriirka dhanka saxaafadda, waxaana la filayaa inuu saameynta ka khafiifiyo hadallada Trump ee muranka dhaliya.

Waxaa kale oo jira 3 qof oo kale oo Trump u magacaabay guddigan saxaafadda oo kala ah; Jason Miller, Dan Scavino oo u qaabilsan barah bulshada, mas’uulka xiriirka saxaafadda ee xilliga kala guurka  Hob Hicks oo noqona madaxa istiraatijiyadda dhanka saxaafadda.

Wasiirradaha Muhiimka Ah

Wasiirka Gaashaandhigga:   Gen. James Mattis, waxa uu ka qeybgalay dagaallo farabadan, waana Generalkii hoggaaminayay ciidamda Mareykanka ee dagaalkii Khaliijka, dalka Afghanistana wuu ka soo dagaalamay, waxa uu ka qeybgalay dagaalkii Falluuja ee dalka Ciraaq, waxa uu soo noqday abaanduulaha guud ee “NATO”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda: Rex Tillerson, waa maamulhii hore ee shirkadda ExxonMobile ‘CEO’ oo ka mid ah shirkadaha Naaftada dunida ugu waaweyn, Trump ayaa ku amaaney inuu yahay dadka ugu xariifsan dhanka heshiis gelidda adduunka.

Wasiirka Shaqaalah Andrew Puzder: waa milayaneer, waxa uu leeyahay makhaayado lagu iibiyo raashin diyaarsan, waxa uu ku xushay inuu yahay qof nolosha ku guuleystay, waxa uu bixiyaa fursado shaqo oo kumaan qof ay ka howlgalaan shirkadihiisa gaarka ah.

Wasiirka Ganacsiga: Wilbur Ross, waa mid ka mid ah milyaneerada waaweyn ee dalka Mareykanka ugu taajirsan, waa qof aad u shaqo, waxayna arrintaasi garab ka siinayaa ayaa la leeyahay shaqadiisa cusub oo la filayo inuu ku guuleysto.

Wasiirka Guriyaynta iyo Horumarinta magaalooyinka: Ben Carson, mark aad aragto waxaa ku soo jiidanaya muuqaalkiisa madawo iyo dagaanshiyahiisa, laakiin marka mabda’ ahaan la eego waa shakhsi aad u neceb Islaamka iyo dadka Muhaajiriinta ah, waxa uu billad ku qaatay inuu noqday dhakhtarka qalliin ee ugu fiican, waxaanuu ka mid ah dadkii Trump la tartamayay isreebreebkii xisbiga Jamhuuriga ah gudihiisa.

Wasiirka Waxbarshada Betsy DeVos: haweenaydan iyo ninkeeduba waxay ka mid yihiin shakhsiyaadka dhanka xisbiga Jamhuuriga ugu sarreeya, waxay ka mid ahayd dadka deeqbixiyaasha ugu waaweyne ee  magaalda Detroit, magaalada ugu weyn ee gobolka Michigan, waa hantiile haysata Balaayiin doolar, iyada iyo ninkeeduba waxay dejiyeen qorshe ay ku hagaajinayaan waxbarshada magaaladaas, malaayiin doolarna waxay ku bixiyeen horumarinta waxbarashada.

Wasiirka Caafimaadka iyo adeegyada Bulshada Tom Price: gobolka Georgia ayuu u matalayay Congress-ka Mareykanka sanadkii 2004, waxa u uu ahaa dhakhatarka qalliinka lafaha muddo 20 sano ah, waxa uu aad uga soo horjeeday barnaamijka caafimaadka ee ‘Obama Care’ .

Wasiirka Gaadiidka Elaine Chao: waxay noqotay wasiirka shaqaalaha ee xilligii George HW Bush-ka aabaha, waa haweenay Asia  ah, mar kale ayay dib ugu saalaabatay saaxadda siyaasadda.

Wasiirka Maaliyadda, Steven Menuchin: waa maalgeliyihii ol’olihii Trump, waxa uu ku jiraa ganacsatada ugu waaweyn dalka Mareykan ugu taajirsan, mashaariic waaweyn ee dalkaas ahna gacanta ayuu ku soo qabtay.

Wasiirka Tamarta, Rick Perry: wasiirkan eraydii dhaxalgalka ahaa ee laga hayo waxaa ka mid ahaa inuu sheegay 2015, haddii uu helo inuu murashax xisbiga jamhuuriga ah noqdo uu gabi ahaanba laali doono wasaaradda Tamarta, haddana isagii ayaaba wasiir ka noqday.

Wasaaradda Cadaaladda, Jeff Sessions: madaxweynihii hore ee Ronald Reagan ayaa sanadkii 1981 u magacaabay inuu qabto xeer ilaaliyaha guud ee dhank koonfureed oo gobolka Alababa, laakiin markii uu dib u magacaabay sanadkii waxaa diiday Senetka Mareykanka oo ku eedeeyay inuu yahay qof cunsuri ah.

Wasiirka wasaaradda Amniga, John F. Kelly: waa General hore oo howlgab ah, waa qof madaxweyne Trump uu doonayo inuu ku xaqiijiyo ammaanka gudaha, waana shakhisga u xilsaaran darbi xudeedeedka laga dhisayo xuduudda Koonfureed ee dalka Mareykanka uu la leeyahay dalka Maxico.

Wasiirka arrimaha Gudaha Ryan Zinke , waa madaxii hore ee ciidamada gaarka ah (SEAL), waana qofkii mas’uulka ka ahaa dilkii ‘Bin Laden’, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka ciidamda gaarka ah ee ka howlgalayay dalka Ciraq.

Si kastaba, madaxweyne Donald Trump ayaa yimid kursiga isagoo looga bartay haddallo doodo badan dhaliya, waxaana muuqata inuu sii wadi doono dabeecaddii looga bartay ka hor inta aanan la dooran, waxaa ka muuqata inuu doonayo fulinta wixii uu dadkii doortay u ballanqaaday, isagoo isku hareereeyay koox dagaalyahanno ah oo waayo arag u badan.

W/D: Khadar Xuseen

Goobjoog News