U bood dhigaalka

Yaaka Dambeeyay Qorshihii Ay Taalibaan Ku Jabisay Gashaanbuurta NATO.

Sheeko:Amniga

Maalin kadib markii ay la wareegeen gacan ku haynta caasimadda kaabul,Taaliban ayaa waxa ay cutubyo gaar ah oo ka tirsan ciidamadeeda ku fidisay magaalada si ay amniga u sugaan una xaqiijiyaan xasilloonida caasimadda Afghanistan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa sarkaal Mareykan ah ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka lagu qasbay inay hawada ku uridaan rasaas si ay uga hor istaagaan muwaadiniinta reer Afghanistan inay raacaan diyaaradaha militariga ee ka duulaya garoonka diyaaradaha ee Kabul Isniintii, isgoo xusay in diyaaradaha milateri ay yihiin oo kaliya gaadiidka lagu daad guraynayo diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaraddaha.

CNN oo soo xigatay ilo xog ogaal ah oo Mareykan ah ayaa sheegtay in calanka Mareykanka laga dajiyay safaaradda, waana tallaabadii ugu dambeysay ee hannaanka daadgureynta.

Masuuliyiin ka tirsan Taalibaan ayaa sheegay in xaaladda Afghanistan Isniinta maanta ay deggan tahay, isla markaana dagaalyahannada aysan melna kula dagaallamin ciidamada dowladda waqtigeedu dhammaaday ama dadka rayidka ah, maalin kadib markii ay xarakadu la wareegtay caasimadda Kabul oo ay burburtay dowladdii uu Mareykanku taageerayay.

Reuters ayaa soo xigatay saraakiil ka tirsan xarakada aya sheeagay aysan helin wax warbixin ah oo ku saabsan isku dhacyo ka dhacayguud ahaan dalka, xubin sare oo ka tirsan xarakada ayaa tilmaamay in “xaaladdu ay deggan tahay. ”

Hogaaamiye ka tirsan Taalibanka Afghanistan ayaa Isniintii sheegay in ay ku amartay dagaalyahannadeeda Kaabul inaysan cabsi gelin dadka rayidka ah oo ay u oggolaadaan inay dib u bilaabaan hawlahoodii caadiga ahaa.

Hogaamiyaha oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters usheegay inan la joogin waqtigii in laga hadli lahaa sida xarakadu ay awoodda ula wareegi doonto.

Dhanka kale Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa wareysi uu siiyay telefishinka FOX NEWS waxa ku sheegay in lo baahanyahay milatariga Mareykanka in ay soo farageliyaan sidii ay caasimadda Afqaanistaan, Kabul, fara maroojin lahayeen lahaayeen Taalibaan, iyagoo adeegsanaya “awoodda ciidamada cirka Mareykanka”.

“Waxaan rajeynayaa in maamulka Madaxweyne Joe Biden uu adeegsan doono Diyaardaha dagaalka … waa inay burburiyaan Taalibaanka ku hareereysan Kabul … waa inaan sameynaa annagoo gacan ka heleyna Ciidamada Cirka ee Mareykanka, waa inaan cadaadis saarnaa oo aan waxyeello ugeysana ayuu yiri mike Pompeo.

Diblomaansigii ugu sareeyay maamulkii trump aya waxa usheegay in maraykanku uusan kaga heebaysan daalibaan gudaha caaasimadda Kabul, kadib muddo 20 sano ah oo ciidamo maraykanku dagal kaga jireen dalkan” Kama baryeeyno inay badbaadiyaan nolosha Mareykanka.” Ayuu hadalkiisa kusoo koobay mr. Pompeo.

Taalibaan waxa ay cadeysay in imaaradda islaamiga oo ay dhisayso aysan ku koobnaan doonin xubnaha Taalibaan .

Wakiilka xafiiska siyaasadda Taaliban ee Qadar, Suhayl Shaheen, waxa uu sheegay in dowladda cusub ee Afgaanistaan ay ku jiri doonaan masuliyiin aan ka tirsaneyn Taalibaan.

Goor sii horreysay, ka dib markii xoogaggoodu ay axadii qabsadeen Kabul afhayeenka xafiiska siyaasadda ee Taalibaan Muhammad Naciim, ayaa ku dhawaaqay in dagaalkii Afgaanistaan uuso idlaaday.

Naeem wuxuu xaqiijiyay ballanqaadkii xarakada ee ahaa in la siinayo amaan muwaadiniinta iyo ergooyinka diblomaasiyadeed.

Muhammad Naeem, oo ah xubin ka mid ah ergada Taalibaan ee wadahadalada Doha, ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee Taaliban ay tahay xallinta dhibaatooyinka iyo joojinta dagaalka 40 sano ka socday Afghanistan.

Naciim wuxuu inta ku daray in qaar badan oo ka mid ah guddoomiyayaasha gobollada dawladii madaxweyne gaani ay ku sugan yihiin Afgaanistaan, iyo in Taaliban aysan cidna ka reebin ayn diyaar u tahay wadahadal dhinac kasta ah.

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Taalibaan, Mullah Abdul Ghani Bar adar, ayaa sheegay in la wareegitaanka Taalibaan ee Kabul iyo guud ahaan dhulka Afgaanistaan ay tahay mas’uuliyad weyn.

Khudbad uu ugu hambalyeeyay dadka reer Afghanistan, Mullah Baradar wuxuu ku sheegay in xarakadu ay gaartay heer aysan filayn, wuxuuna tilmaamay in ay gudo galeen marxalad tijaabo ah oo ku aadan sidii dalka Afgaanistaan looga xaqiijin lahaa suurtagalnimada wada noolaanshaha.

Dhiniciisa, madaxweynihii hore ee Afgaanistaan Xamiid Karzai ayaa sheegay inuu la xiriiray hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa Taalibaan si loogu xaliyo dhibaatada Afgaanistaan waddo nabadeed oo walaalnimo ay ku dheehan tahay.

Falcelinta Caalamka ee isbadalada ka socda kaabul.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in la wareegista Taaliban ee caasimadda Afqaanistaan, ay lama filaan ku noqotay Moscow, iyada oo utixgelinaysa in tani ay ka dhalatay fashilka Mareykanka ee Afghanistan.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka ee Afganistan, Zamir Kabulov, ayaa sheegay in aysan ka baqayn in Afgaanistaan ay noqoto meel ay Daacish ku xoogaysato xilligii Daaliban.

Ergayga Ruushka ayaa intaas ku daray in aysan suurtagal ahayn in laga hadlo in Taalibaan laga saaro liiska ururada argagixisada, taasina ay tahay arin utaal Golaha Ammaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday maanta, Isniintii, in safiirka Ruushka ee Kabul, Dmitry Zhirnov, uu la kulmi doono berri oo Talaadada ah, isku-duwaha Daaaliban, si ay ugawada hadla ammaanka diblomaasiyiinta Ruushka eeku sugan afgaanistaan.

Wasiirka gaashaandhigga Ingiriiska Ben Wallace ayaa shir jiraa’d oo uu warfidiyeenka la yeeshay waxa ku sheegay in dhaqdhaqaaqa Taaliban uu hadda gacanta ku hayo Afgaanistaan, isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan suurtagalnimada in Britain iyo Gashaan buurto (NATO) ay ku laabtaan Afghanistan, mr Wallace ayaa xaqiijiyay in arinkaasi uusan miiska saarnayn.

Mar wax laga weydiiyay in Brtain ay u aqoonsan doonto Daalibaan dowlad ahaan, Wallace wuxuu sheegay in waqtigeedii aan la joogin, arrintaasi ay ku xiran tahay ficillada dhaqdhaqaaqa ee aysan ku xirnayn hadaladood.

Dhinaca kale, Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa ka soo xigatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha in Beijing ay diyaar u tahay xiriir saaxiibtinimo oo layeeto Taaliban.

Dhiniciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in ay ku Tageerayaan in dhammaan dadaallada ku aaddan sidii awoodda si nabad ah loogu kala wareegi lahaa Afghanistan, loona gogol xaaro xal siyaasadeed oo dhameystiran, isagoo intaas ku daray in Qatar ay la shaqeyneyso saaxiibbada caalamka iyo Qaramada Midoobay si ay gacan uga geysato soo celinta xasiloonida Afghanistan.

Bayaan wadajir ah, oo in ka badan 60 dal soosareen ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Afgaanistaan inay ixtiraamaan oo ay fududeeyaan in si nabadgelyo ah ay uga baxaan ajaanibta iyo Afgaanistaa iyiinta doonaya inay ka baxaan dalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dadka reer Afgaanistaan ay mudan yihiin inay ku noolaadaan ammaan iyo sharaf, beesha caalamkuna ay diyaar u tahay inay ka caawiso arrintaas. Isbeddelladaan kasocda afgaanistaan aya liddi ku ah gulufkii galbeedka ku qaaday Afgaanistaan 20 sano ka hor.

Goobjoog News