U bood dhigaalka

Yaaku Fadhiya Kuraasta 13-ka Kursi Ee Doorashadooda Lagu Qabanayo Baraawe

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur galbeed ayaa shaaciyay liiska 13 kursi oo dhawaan doorashadooda la qabanayao.

Kuraasta la shaaciyay ayaa waxaa kamid ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#016, HOP#044 , HOP#150, HOP#152 iyo kuwa kale .

Doorashada kurastaan ayaa ka dhaceyso magaalada Baraawe, Koonfur galbeed ayaana ah maamulkii ugu horeeyay ee shaaciya liiska kuraas lagu dooranayo deegaan doorashada labaad.

Yaa ku Fadhiya kuraasta la shaaciyay? 

HOP#016:  Waxaa afarii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay xildhibaanad Aamina Sheekh Cismaan.

HOP#044: Waxaa afarii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay xildhibaanad  Safiyo Xasan Nuur.

HOP#155: Waxaa afarii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay xildhibaanad  Jawaahir Cadaawe Cabdi.

HOP#150:  Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooley).

HOP#151: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Xuseen Cali Cabdalla.

HOP#152: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Cabdullaahi Cumar Abshir.

HOP#153: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  AHUN Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Cali.

HOP#160: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Nuur Siidow Baaba.

HOP#161: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Sayid Cali Cabdulqaadir Macalim.

HOP#250:Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Siciid Cabdullaahi.

HOP#080: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Cumar Dalxa.

HOP#165: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Saalim Caliyow Ibrow.

HOP#173: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Cismaan Xaaji Cali.

Goobjoog News