U bood dhigaalka

Yair Lapid: Madaxweyne Biden waxa uu naga wadaa Fariin Nabadeed

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha dalka xukuumadda Yahuudda ee Yair Lapid,  ayaa sheegay in fariin nabadeed ah uu dalalka carabta ugu dhiibay madaxweynaha maraykanka Joe Biden, oo lagu wado in uu booqasho ku tago dalka sacuudiga iyo wadamada dhaca bariga dhexe.

Lapid ayaa sheegay in Biden uu dhambaal nabadeed uu uga wado wadamada carabta dowladda Isreal, inta uu ku gudajiro socdaalkiisa wadamada carabta.

Madaxweynaha maraykanka ayaa lagu wadaa in 13-ka july illa 16-ka july uu maro dalalka Sacuudiga, daanta galbeed ee ay Isreal haysato, isagoo ka qayb galaya shirka wadamada bariga dhexe oo ka dhacaya sacuudiga sanadkaan.

Mas’uul aan la shaacin magaciisa oo ka tirsan dowladda Isreal ayaa sidoo kale la sheegay in socdaalka Biden ee Sacuudiga in uu ku wehlin doono.

Goobjoog News