U bood dhigaalka

Yamamoto “Horumar Iyo Nabad Kama Dhacayso Geeska Africa Haddii Aysan Soomaaliya Nabad Ahayn”

Sheeko:Dalka

Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Y. Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisa ay waxyaabo badan ka caawin doonto Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Maraykanka uu hadda kuso laabtay Soomaaliya, islamarkaana aanu mar kale dib u bixi doonin.

Yamamoto ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa cafinta deymaha, si qarashka ay deynta ku gudi lahayd ay u adeegsato kaabayaasha kale ee dhaqaalaha.

Horumar iyo nabad kama dhaceyso dalalka geeska Africa haddii aanay Soomaaliya Nabad ahayn iyo horumar ahayn

USAID ayuu sheegay in ay taageerto shirkado waaweyn oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka shaqeeya Kalluunka, Korontada iyo arrimo kale oo dalka muhiim u ah.

Safiir Donald Y. Yamamoto ayaa dhanka kale xusay in Soomaaliya ay caan ku tahay waxyaabo badan oo isugu jirta qudaarta iyo kheyraadka kale ee badda ku jira.

Hadalkaan ayuu safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya ka sheegay shirka looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo sidoo kale shaqaaleysiinta, kaasi oo maalintii Labaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaana shirkan soo qabanqaabisay Geel Project.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News