U bood dhigaalka

Yamen: 5-tii Daqiiqo 4 Carruur Ah Oo Gaajo iyo Haraad Ugu dhimata Dalkaas

Sheeko:Amniga

Cunno la’aantii ugu darnayd taariikhda casriga ah ayaa ku dhufatay dalka yamen.

5 daqiiqo 4 caruur ah ayaa nafaqi darro iyo gaajo ugu dhinta dalkaasi, 400 oo kun oo caruur ah ayaana la qiyaasaya in geeridu haleeli doonto sanadkaan.

16 milyan oo qof ayaa ubaahan gargaar degdeg ah si ay u noolaadaan, guud ahaan 80 boqolkiiba dadyowga dalkaasi aya waxa ku tiisanyihii deeqaha caalmiga ah.

Colaadda dalkaasi aya bishan sii laba kaclaysay, xutiyiinta ayaa weerar ba’an dhowr jiho kaga qaaday gobolka ma’rib oo ah gobolka kali ah ee ay joogaan kooxaha ay dawladda sacuudigi tageero kaga sugantahay bartamaha iyo waqooyiga dalka.

xulafada Sacuudiga iyo Emaaraat ka aya weeraro duqaymaha diyaaradaga dagaalka ah si tallantaali ah ugu haya magaalada sanca si ay xutiyiinta cadaadis ugu saaraan in ay hakiyaan gulufka ay ku hayaan gobolka ma’rib.

Xutiyiinta dhankooda waxa ay weeraro ay u adeegsanayaan diyaaradaha an duliyaha lahayn iyo gantaalada balaastiga ku hayaan gobolada bartama iyo waqooyiga sacuudiga, waxayna 10kii maalmood ee laso dhaafay ugu yaraan 30 diyaaradood ku weerareen boqortooyada.