Dalka Imaaraadka oo ka tirsan xulafada Sacuudiga hoggaamiyo ee dagallada kula jirta Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegaya in 4 ka tirsan ciidamadiisa lagu dilay dekadda Xudeyda.
Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in 22 ka tirsan Xuutiyiinta iyana halkaasi lagu dilay, waa dagaalkii ugu xooganaa muddo 3 sano ah.
Dhinaca kale, golaha ammaanka ayaa lagu wadaa maanta oo khamiis ah inuu arrinta Yemen ka yeesho kulan degdeg ah.
Goobjoog News