Yemen: Saawaariiq ay Ciidan Ku Dhinteen oo ku Dhacay Xarunta Xukuumadda

Ilaa 13 qof oo ciidan ah ayaa ku dhintay halka 9 kale ku dhaawacmeen Sawaariiq lagu garaacay xarunta ay ku shaqeyso Xukuumadda Yemen ee magaalada Cadan.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Ciidanka dhintay ahaayeen Yemen iyo Imaaraadka  isagoo intaa raaciyay in dhacdadan ay mas’uul ka yihiin Xuutiyiinta iyo Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salix.

Mas’uul ciidanka Yemen ka tisan ayaa sheegay in markii Xuutiyiinta iyo taageerayaasha Salix ay ku guuldareysteen dagaalkii dhulka ay bilaabeen duqeyn fulanimmo ah.

Mas’uulka ayaa intaa ku darayan si looga badbaado duqeyn noocan oo kale in loo baahan yahay xoreynta  Tacis, Laxj iyo Waddooyinka u dhaxeeyay si kooxahaas looga fogeeye dadka iyo dowladda.

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW