U bood dhigaalka

Yoonis Cabdirisaaq Faarax Oo Ku Biiray Koox Ka Dhisan Dalka Sweden

Sheeko:Cayaaraha

Laacibka Xulka Qaranka Soomaaliya Yoonis Cabdirisaaaq Faarax ayaa ku biiray kooxda Eskilstun City ee ka dhisan Wadanka Sweden, waxaana xidigan ka dhalay xidigihii hore kooxaha Madbacada Qaranka iyo naadiga Horseed Cabdirisaaq Faarax Cumar Garooje.


“Waan ku faraxsnahay horomarka iyo heeshiishka aan la gaaray kooxaha reer Sweden, waxaan u mahadcinayna cid kasta oo kaalin ka geystay guusha mashruucan” ayuu saxaafada u sheegay daafaca Xulka Qaranka Soomaaliya Yoonis Cabdirisaaq Faarax.


Yoonis Faarax oo horay kooxda badan oo yurub ah ugu soo dheelay ayaa waxa uu ka mid yahay xidigaha Qurbajoogta ee kaalinta wanaagsan ka qaadatay horomarka iyo guulahaaXulka Qaranka Soomaaliy bilaawioyinkii la soo dhaafay , waxaana talabaadan ku bogaadiyay taageerayaasha Xulka iyo falanqeeyaasha Ciyaaraha kubbadda cagta Soomaaliya.


“Yoonis Faarax wuxuu ka yimid qoys isboortis waan ugu hambalyaynaa horomarka uu samaynayo, waxaan kula dardaarmay in uu horomariyo xirfadiisa kubbadda cagt” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdullahi Faarax Daguur oo falanqeeye Ciyaaraha gudaha iyo dibadda.


Aabaha dhalay Yoonis Ee Cabdisiaaq Faarax Garooje ayaa horay u soo noqday goolhaye u soo ciyaaray kooxaha Madbacada Qaranka iyo Horseed, wuxuuna iminka Muqdisho ka furay xarun lagu horomariyo goolahayaasha tayada wanaagsan ee kooxaha kubbadda cagta iyo Xulalka kala duwan ee Qaranka taas oo lagu magacaabo Garoje Goalkeepin Academy, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha kooxda kubbadda caghta Elman Sports Club.


“Heshiiska uu sameeyay wiilkayga Yoonis waa mid taariikhi ah waan guul u soo hooyatay bahda kubbadda cagta Soomaaliya iyo taageerayaashiisa , waxayna arinta kor u qaadaysaa horomarinta iyo xirfadiisa ciyaareed” ayuu Goobjoog Sports u sheegay aabaha dhalay Yoonis mudane Cabdirisaaq Faarax Cumar Garooje.

Daawo Falanqeeye Cabdullahi Oo Hambalyo U Diray Laacib Yoonis

Sidoo Kale Aqriso Warark Ku Saabsan Garooje

 

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-garoojedemada-diinsoor-waxa-ay-helaysaa-mashaariica-badan-oo-dhinaca-ciyaaraha/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle