U bood dhigaalka

Yurub Oo Il Gaar Ah Ku Haysa Heshiiska Doorashada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub ayaa ka digay in ku lug lahaanshahooda Soomaaliya ay Qatar ku jirto illaa hanaanka doorasho ee sanadka 2016-ka uu baarlamaanku meelmariyo.

War qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay walaac ka muujinayaan hannaanka lagu meelmarinayo doorashada kaa soo ay ku tilmaameen inuu ku socdo si gaabis ah waxayna intaas ku dareen inay ka qaadanayaan tilaabo kama dambeys ah haddii aan nidaamka doorasho ee dalka la sharciyeyn.

Midowga Yurub waxay sheegeen in haddii aan la qaadin tilaabo degdeg ah ay Qatar ku imaan karto hannaanka doorasho islamarkaana midowga Yurub ay dib u eegi doonaan arrimaha Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan hay’adaha dowliga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku baaqaqyaan kulan caalami ah oo loo qabto Soomaaliya.

Midowga Yurub waa Deeq bixiye maaligeliya caawiya Soomaaliya islamarkaana mashaariic badan ka fuliya dalka sidoo kale Midowga Yurub waxay bixiyaan mishaaraadka ciidamada nabad illaalinta ee AMISOM.

Midowga Yurub waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in haddii lagu guuldarreysto qorshaha doorasho ee dalka ay Qatar gelin doonto geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana dib u dhac ku imaanya Soomaaliya sanado badan.

Warkaan ayaa imanaya xilli wafdi ka socda golaha ammaanka oo Muqdisho yimid ay ka digeen  iskuday kasta oo dib loogu dhigayo  hannaanka doorasho ee sanadkan 2016.

Goobjoog News