U bood dhigaalka

Yurub oo Ku Heshiisay in Qaxooti Dheeraad ah ay Deegaan Siiyaan

Sheeko:Dalka

Hogaamiyaasha reer Yurub ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay ku heshiiyeen in deegaan la siiyo  100,000 oo qaxooti oo dheeraad ah.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay 11 Hogaamiye oo ka tisan Yurub iyo 3 ka timid Qaaradda Banaankeeda, dhamaan waxaa ay ka hadleen sidii wax looga badali lahaa Xaladda qaxootiga ku qulqulaya Yurub.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in ay gacanta ku qaban doonto ilaa 20 Kun oo Qaxooti, waxaa sidoo kale goobo laga dhisi doona xadka dalal la isku dhaho Balkaan ah, dalalkan ayaa dhaca halka ay Qaxootiga u sii maraan Jarmalka iyo iskandanefiyanka, dalalkaas ayaa sheegay in aanay awood u laheyn hoy siinta qaxootigan.

Dalka Hungary waxaa uu xirtay xadka uu la wadaago dalalka Croatia, taas oo dhibaato horleh keentay.

Croatia ayaa eedda qaxootiga waxaa ay dusha ka saartay Yurub oo sheegtay in ay ku guuldareysatay in ay istaajiyaan Qaxootiga inta u dhaxeysa Turkiga iyo Giriiga.

Maalin walba waxaa dalka Giriiga soo gaaro 9 kun oo muhaajiriin ah, taasoo ah tiradii ugu badnayd .