U bood dhigaalka

Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) Oo Loo Magaacabay Guddoomiyaha Kumeel Gaarka Ah Ee Kooxda Dekeddaha

Sheeko:Cayaaraha

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington) ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in Guddoomiye ku meel gaar loo magacaabay tabaabraha kooxda kubbadda cagta Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali),ka dib markii xilkii guddoomiynimo ee kooxdaas uu iska casilay guddoomiyihii hore mudane Cabdullaahi Faarax Cusmaan.

“Sababta aan xilkan ugu Magacaabay Macallin Yuu-Cali waa nin aqoon wanaagsan u leh kooxda Dekeddaha,waxaan u rajayanayaa ilaa inta laga helayo guddoomiyaha rasmiga ee naadiga in uu la yimaado shaqo hufan oo horomar u ah kooxda Dekeddaha” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud (Washington).Guddoomiyihii hore kooxda Dekedaha Cabdullaahi Faarax Cusmaan ayaa waxa uu sheegay sababah uu ugu tagay shaqada in ay tahay arimo isaga gaar u ah,balse uu rajayanayo in kooxdiisii hore ay ku tilaabsato horomaro waaweyn sanadaha soo aadan.Waxaan ka fariistay in aan si maamulo kooxda Dekedaha,waxaan Maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayasha u rajayanaa guul iyo horomar,balse mar walbo waxaan diyaar u ah in aan dhiirigeliyo xidigaha ee kor u qaaday magaca iyo sharafta naadiga Dekedaha” ayuu Saxaafada isboortiga u sheegay Guddoomiyihii kooxda Dekedaha mudane Cabdullahi Faarax Cusmaan

Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) Guddoomiyaha ku meel gaar ee naadiga Dekedaha,iminka waa tababaraha kooxda kubbadda cagta ee Dekedda,wuxuuna goor hore kooxda u qaaday horyaalka Soomaaliya saddex sano oo xariir ah,isagoo sheegay in xilkan yahay mid adag,balse labada shaqo uu isku wadi doono ilaa maamulka ay soo magaacaabaan guddoomiyaha gudd ee kooxda Dekedaha.

“Waa shaqo adag oo u baahan in la horomariyo,waxaan u mahadcelinaynaa maamulka guud ee kooxda Dekedda ee gartay in aan ka bixi karo booska ay ii magacaabeen,waxaan rajaynayaa anagoo iska kaashanayana in aan horomarino guulaha naadiga” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha kumeel gaarka ee kooxda Dekedaha ahna macallinka naadiga kubbadda cagta Dekeda mudane Yuusuf Cali Nuur.

Daawo Guddoomiyihii Hore Kooxda Oo Is Casilay

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle