U bood dhigaalka

Yuusuf-Garaad Cumar Axmed

Sheeko:War

Yusug Garaad Cumar Axmed, wasiirka arrimaha dibadda: Waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1960-kii, waxaa uu ku hadlaa English, French iyo Somali,  mudadii u dhaxeysay 1992-2012-kii, waxaa uu ka shaqeyn jiray BBC, isaga oo 13 sano madax ka ahaa laanta afka Soomaaliga. Horay 1991-kii waxaa uu la shaqeeyay hey’adda laan-qeyra Cas halka uu weriye ka ahaa radio Muqdisho 1983-1990-kii.

Dhanka waxbrashadaL 2004 -2005, waxaa uu dhigtay Global Master of Arts Programme ee  Fletcher School of Law and Diplomacy at Tufts University.  Waxaa kaloo uu Bachelor of Arts ka dhigtay jaamacadda Somali National University ee magaalada Muqdisho.

2014-kii, wixii ka dambeeyay waxaa uu la taliye u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo sidoo kale hey’ado caalami ah la taliyey. sanadkii hore waxaa loo magacaabay safiirka Soomaliya ee UN, hadda waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda.