U bood dhigaalka

Zibabwe: Ciidamada Oo Sheegay Inay Beegsanayaan Dambiilayaasha

Sheeko:Dalka

Afhayeenka ciidamada Zimbabwe ayaa war-saxaafadeed si toos ah oga aqriyey telefishinka qaranka dalkaasi,isaga oo tilmaamay in ciidamada ay beegsanayaan dadka dambiilayaasha ah.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dalka uu san ku jirin afgambi milatari  iyo in xaaladda madaxweyne Robert Mugabe ay fiicantahay .

Bayaanka ayaa waxaa lagu yiri “ Waxaan jecelnahay inaan umadda u xaqiijino madaxweynaha iyo qoyskiisa inay caafimaad qabaan oo ay nabadgelyo haystaan”.

Hadalka ka soo baxay afahayeenka ciidamada Zimbabwe ayaa waxaa uu intaasi ku darayaa in ciidamada ay beegsan doonaan dadka dambiilayaasha ah oo ku hareyreysan madaxweyanha kuwaas oo la sheegay inay sabab u yihiin in wadanka uu ka cabto dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada.

Qaraxyo ayaa laga maqlay caasimadda Zimbabwe ee Harare ilaa iyo hadana wax faafaahin ah lagama bixin.

Madaxweyne Mugabe oo da’diisu ay gaareyso 93 sano ilaa iyo hadda kama uusan hadlin waxa ka socda dalkiisa,bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii Mugabe uu ka digay in uu dalka ka dhaco afgambi milatari .

Wararka ayaa waxay sheegayaan in loolanka siyaasadeed oo ka dhex jira xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu ku saabsanyahay cida badaleyso madaxweynaha hadda talada haya.