Golaha Shacabka Oo Wasaaradda Maaliyadda Ku Canaantay Fulin La’aanta Qaraarada, Akhriso Warbixinta

Warbixintan ay soo gudbiyeen guddiga miisaaniayadda, maaliyadda, qorsheynta iyo la-xisaabtanka hey’adaha dowladda ee golaha shacabka, waxaa ay sheegeen in ay ku qaadatay 2 todobaad.
Guddiga waxaa uu sheegay in miisaaniyadda 2018-ka ee tiro ahaan dhan: $274,6 Malyan ay ku kooban tahay kharashaadka adeegga maamulka iyo difaaca taas oo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qaddar dhan: $260.2 Malyuun oo u dhiganta 94.8% halka hadhaaga oo dhan $14.4 Miyan loogu talo-galay mashaariicda horumarineed taas oo u dhiganta 5.2% Miisaaniyadda 2018-ka.
Dakhliga Miisaaniyadda: Dakhliga miisaaniyadda waxaa uu ka kooban yahay canshuuraha iyo khidmadaha kala duwan ee sharcigu jideeyay, kaalmooyinka ama deeqaha iyo deymaha qaranka ka soo deynsado gudaha iyo dibadda.
Guddiga markii uu eegay sadaasha dakhliga gudaha ee miisaaniyadda 2018 oo ah $156 Malyan, waxaa u muuqatay isbedel kororsiimo maraka loo eego saadaashii ku noqoshada miisaaniyadda 2017 kaas oo ahaa $137 Malyan.
Marka la eego saadaasha deeqaha labada dhinac ee miisaaniyadda 2018 oo ah $62.4(Turky $20 Malyan, Qatar $10 Malyan iyo Sacuudiga oo $32 Malyan), waxaa ka muuqdo koror marka loo eego 2017 oo ahaa $38 Malyan.
Odoroska Deeqaha dhinacyada badan ee miisaaniyadda 2018 oo ah $56 Malyan, waxaa ka muuqda hoos u dhac oo miisaaniyadda 2017 waxaa ay aheyd $84 Malyan.
Saadaasha Dakhliga gudaha ee dalka guud ahaan waa $156 Malyan oo u dhiganta 57% halka ay saadaasha dakhliga dibaddu tahay $118.6 Malyan oo u dhiganta 43% haddaba taasi waxaa ay muujinaysaa in aan la xaqiijin karin hal kudhigga Miisaaniyadda 2018 oo ah “ku tiirsanaanta dhaqaalaheena” maactaama ku talagalka deeqaha dibadda ee Miisaaniyadda 2018 ay aad u sareeyso.
Guud ahaan dakhliga soo xarooday 10 bil ee ugu horaysay sanadkaan (Jan. -Oct. 2017) waxaa uu gaarayaa $182.9Malyan oo lamid ah bishiiba celcelis ahaan $18.29 Malyan taas uu muujinaysa in sanadkaan guud ahaan saadaasha dakhligu noqonayo ku dhawaaad $220 Malyan maadaama 2 biI oo kaliya ka hartay sanadka sidaasi dardeed waxaa ay u muuqataa in aan la gaari kari doonin saadaashi dakhliga ee ku noqoshada rniisaanyadda 2017 oo ahayd $260 Malyan
Guddigu waxaa uu soo jeedinayaa in Wasaaradda Maaliyaddu dardar geliso howlaha dakhli ururinta maadaama saadaasha dakhli ururinta meelaha qaar ay ka muuqato hoos u dhac aan sababeysnayn sida isgaarsiinta oo sandihi hore gaari jirtay 4.8 Malyan hadana lasoo qoondeeyay 3.5 malyan iyada oo la filayay koror maadaama 1a meel mariyay sharcigii isgaarsiinta, guddigu waxa uu clalbaday in lagu sameeyo dib u eegis dhab ah.
Kharashka Miisaaniyadda:
Kadib markii guddigu uu falanqeeyay kana baaraan dagay habka qoondaynta kharashaadka waxaa usoo baxday sidan:
In kharashaadka Miisaaniyadda aan loo qorshaynin si isku dheelitiran, iyada oo hay’adaha qaarloo qoondeeyay lacago badan halka kuwa u xilsaaran howlo muhiim ahna loo qoondeeyay wax aad uga yar baahdidooda dhabta ah sida hay’adaha Amniga iyo Garsoorka.
Waxaa kale oo guddiga usoo ifbaxay in aan habka kharash bixinta loogu dhaqmin si waafaqsan Mudnaanta kala horumarinta kharash bixinta sida ku cad xeerka qoondada Miisaaniyadda 2017 ee Golaha Shacabku meelmariyay.
Miisaaniyadda 2018, waxaa kujira kharashaad duuduub ah oo aan lasoo faahfaahin oo ka badan $34 Malyan taas oo ka hor imaanaya qaraarkii Golaha Shacabka ee lagu ansixiyay ku noqoshadii Miisaaniyadii 2017 sidaas darteed guddigu waxaa uu ka dalbaday Wasaaradda in dhamaan lacagahaas lasoo faahfaahiyo lana soo budget gareeyo.
Talo-soo jeedinta Guddiga:
Dhammaan soo jeedimaha soo socda waxaa ay noqonayaan qaraar marka Golaha Shacabku ansixiyo waxaana la farayaa wasaaradda Maaliyadda in ay u fuliso si goluhu u ansixiyay waxayna kala yihiin sidatan:
Guddigu waxa uu Golaha ku wargelinayaa in aan la fulin inta badan qaraarkii Golahu Shacabku ku ansixiyay ku noqoshadii miisaaniyaadda 2017 sidaas darteed si loo kobciyo dhaqaalaha dalka loona ilaaliyo hufnaanta maaliyadda, guddigu wuxuu aad ugu adkaynayaa Wasaaradda dhaqangelinta qaraarada Golaha Shacabaka ee ku wajahnaa hagaajinta hawlaha dakhliga iyo maarnulka kharashaadka dowladda.
Guddiga waxaa usoo baxday in Wasaaraddu isticmaashay dakhli kayimid ilo aan hore miisaaniyadda 2017 uga mid ahayn loona isticmaalay khasrashaad aan hore uga mid ahayn Miisaaniyada 2017, taas oo aan waafaqsanayn nidaamka maaliyadeed ee dalka. Haddaba guddigu waxaa uu soo jeedinayaa in aan dakhli iyo kharash aan ka mid ahayn miisaaniyadda la isticmaali karin iyada oo aan la horkeenin Golaha Shacabka Jana budget gareynin si waafaqsan qodobka 69aadee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.
Sida ku cad qaraarku Golaha Shacabka ee xeerkii ku noqoshada miisaaniyada 2017, Wasaarada Maaliyada kuma soo darin miisaaniyada cusub ee 2018 5tii bilood ee mushaaraadkii Xildhibaanadu Barlamaankii 9aad. Gudigu waxaa mar kale uu adkeynayaa in gunadii Xildhibaanadii Barlamaankii 9aad iyo xuquuqda shaqaalaha lagu soo daro miisaaniyada cusub ee 2018.
Sida ku cad qaraarkii Golaha Shacabka ee xeerka ku noqoshada qoondada miisaaniyadda 2017, Goluhu waxaa uu go’aamiyay in gunnada ciidamada aan darajada wax ku qaadan lagu kordhiyo konton doolar ($50) bil walba laga bilaabo bisha Nov. 2017, balse sida ka muuqata qoondada ciidamada ee rniisaaniyadda 2018 Wasaaradda Maaliyada waxay ka reebtay korarsiimadaas $50 doolar ah ee Barlamaanku ansixiyay. Haddaba gudigu waxa uu soo jeedinayaa in la meelmariyo qaraarkii Golaha Shacabka.
Sida ku cad qaraarkii GoIaha Shacabka ee ku noqoshada Miisaaniyada 2017, gudigu wax a uu usoo jeedinayaa Wasaaradda Maaliyadda in ay usoo gudbiso Guddiga Maaliyadda liiska dayrnaha oo faah faahsan iyo qorshaha lagu bixinayo ugu danbayn 30 April 2018.
Sida ku cad qaraarkii Golaha Shacabka ee ku noqoshada Miisaaniyada 2017, guddigu waxaa uu soo jeedinayaa in Miisaaniyadda Safaaradaha loo qoondeeyay lagu shubo akoomada Safaaradaha ay ku leeyihiin Bangiga Dhaxe. Safaaradii aan akoon lahayna si deg deg ah loogu furo.
Guddigu waxa kale oo uu Golaha u soo jeedinayaa in wasaaradda la faro soo diyaarinta xeer Miisaaniyadeed qaran ka horsanadka 2019 oo lagu salayn doono gunno xileedyada Siyaasiinta si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.
Si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka iyo hufnaanta maaliyadda Dowladda guddigu wuxuu soo jeedinay aa in cidkasta oo qaadatu mushaar joogto ah ama gunno Dowladeed (siyaasiyiin, ciidan iyo shaqaalaha rayidka) loo furo xisaab (account) u gaar ah oo si joogta ah loogu shubo/wareejiyo.
G udiga iyo Wasaarada waxay isla garteen in lacagta 3 Maly an ah ce ku qoran Wasaarada Dastuurka gaar ahaan madax xigaha qarashaadka kale loo sarneeyo xisaab u gaar ah, oo loogu talo galay dib-u-eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka ayna si wada jir ah u maamulaan Wasaarada iyo gudiyada Dastuurka.
Guddigu waxaa uu soo jeedinayaa in kadib marka la ansixiyo Miisaaniyaada dib loogu qaybiyo Golaha Shacabka nuqulka rasmiga ah ee Goluhu ansixiy ay ka hor inta aan Ia dhaqan gelin Miisaaniyadda 2018.
Goobjoog News