U bood dhigaalka

Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka oo Maanta Furmaya iyo Madaxweynaha Khudbad Ka Jeedin Doona

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga 5-aad ee labada gole Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib fasax ay xildhibaannadu ku maqnaayeen, Baarlamaanka ayaa waxaa horyaallo shaqooyin badan.

Waxaa la filayaa in furitaanka Kalfadhigan ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin dhowr ah, iyadoo munaasabadda furitaanka uu khudbad ka jeedin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, soo laabashadooda kadib oo ay ku jiraan sharciyo iyo arrimaha Dastuurka oo doodiisu socotay.

Khudbadda Dastuuriga ah ee Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kaga hadlo xaaladaha guud ee dalka, iyo arrimaha gobolka ka taagan, waxaana siweyn uu kaga hadli doonaa dastuurka iyo dagaalka Al-shabaab iyo qorsheyaasha dowladda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale