U bood dhigaalka

Waa Sidee Xiriirka Baarlamaanka 11-aad La Leeyahay Dunida?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay inuu Baarlamaanka Soomaaliya xariir wanaagsan iyo wada shaqeyn la leeyahay dhiiggooda dalalka Yurub, kuwa jaamacadda Carabta, Afrika, iyo midka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in dhammaan baarlamaanadaas ay iskaashi buuxa la leeyihiin, islamarkaana ay Soomaaliya wax badan ka faa’iidi doonto, asagoo xusay in socdaallo badan oo uu dalalkaas ku tagey ay waxyaabo mira-dhal ihi ka soo bexeen.

Markii la fiiriyo hannaanka dowladnimada Soomaaliya Baarlamaanka ayaa u xilsaaran sharci dejinta, la xisaabtanka Xukuumadda, iyo jihayn habraacyada qorshayaasha qaran, waana muhiim inay dunida kale xariir wax ku ool ah la yeeshaan.