U bood dhigaalka

Kulan Lagu Taageerayo Axmed Madoobe oo ka Socda Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Kulan ay kasoo qeyb galeen Baarlamaanka Jubbaland, Siyaasiyiin, Odoyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo lagu taageerayo Axmed Madoobe ayaa hadda ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Goobjoog News ee doorashada Jubbaland Cabdinasir Saxansaxo, shirkan waxaa uu qeyb ka yahay ololaha doorashada Axmed Madoobe ee dhici doonta 15-ka bishan oo ku beegan Sabtida soo socota.

Axmed Madoobe ayaa halkaasi hadal ka jeedin doona, waxaana sidoo kale si horu dhac ah uu u sheegi doonaan qorshahiisa hadii uu guuleysto.

Dhowr Musharrax ayaa isku soo taagtay xilka madaxweynaha Jubbaland, waxaana maanta ku eg mudadii loogu tala galay araaji qabashada musharraxiinta.

Goobjoog News