U bood dhigaalka

12 Murashax Madaxweyne oo Ku Hanjabay Iney Qaadhacayaan Doorashada Soomaaliya haddii ay DF Sii Waddo Musuq Ay Ku Eedeeyeen

Sheeko:Baarlamaanka

Murashaxiin 12 ah oo ka tirsan kuwa la filayo doorashada guud ee Soomaaliya ee 2020/2021 ayaa qoraal ay goordhow soo saareen waxaa ay ku hanjabeen in aaney qeyb ka noqon doonin tartanka doorashada ee sanadkan haddii uu noqdo mid loo qaabeeyey boob ergo, kuraasta iyo kushubasho doorashada 2020/2021.\

Murashaxiinta ayaa ka digay qalqal siyaasadeed iyo mid amni iyaga oo intaa ku daray iney xaqiijiyeen in guddiyada ay doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay musuq maasuqeen xafiiska madaxweynaha, midka ra’isul wasaaraha iyo midka nabad sugidda, waxayna sharci la’aan ku tilmaameen magacaabista ra’isul wasaaraha ee guddiga doorashada gobollada waqooyi.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso: