U bood dhigaalka

Waa Kuma Musharax Saalax Axmed Jaamac Oo U Tartamaya Xilka Guddomiyaha Aqalka Sare?

Sheeko:Baarlamaanka

Saalax Axmed Jaamac oo ah senator katirsan aqalka sare sidoo kalena ah wasiirka Dastuurka ee Soomaaliya ayaa ah musharax u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Aqalka Sare.

Hadaba Waa Kuma Saalax Axmed Jaamac?

Waxa uu dhashay sanadkii 1980-kii, waxaa uu ku dhashay Ceerigaabo Sanaag, dhanka waxbrashada Degree-ga koobaad iyo Master ee cilmiga siyaadda ka heysta Jaamacadda Carleton University.

Waxaa uu ka  shaqeeyey barnaamijkii New Deal , Booliska Soomaaliya hay’adda Qaramada Midoobay iyo xubin ka tirsan guddidii doorashooyinka, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, 4-tii sano ee lasoo dhaafay waxaa uu soo qabtay labo wasaarad oo xukuumadda federaalka ah, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaaradda dastuurka.

Waxaa uu sidoo kale isku duwe ka ahaa guddi dhanka Farsamada ka taagerayay doorashooyinkii 2016 kuwaas oo ka kala socday dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda Federaalka.

Saalax ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Arrimaha Federaalka isagoo ahaa La -taliyaha Sare ee Doorashada oo loo xilsaaray hirgelinta ajendaha dimuqraadiyadda ee Dowladda Federaalka.

Intii uu ka shaqaynayay Wasaaradda, Saalax wuxuu kaloo noqday La-taliyaha horumarinta Istiraatiijadda siyaasadda Siyaasadda.

Saalax Axmed Jaamac, ka hor inta uusan dowladda ku biirin waxa uu ka shaqeyay Adeegyada  horumarinta Bulshada.

Waxa uu sidoo kale wasiirka ka shaqeyay arrimaha dowlad dhisidda, Nabadeeynta, Xalinta khilaafaadka, isagoo qoraallo ka sameeyay Dimoqoraadiyadda iyo fursadaha dowlad dhiska ee dalalka nugul.

Goobjoog News